Xildhibaan kale oo Muqdisho "ugu geeriyooday" cudurka Covid—19

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa geerida Xildhibaan Aadan Cali Xasan [Aadan Jamhuuriya] oo ka tirsanaa xubnaha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Mudanaha ayaa habeenimadii Jimcada wuxuu ku dhintay Isbitaal Yardamili ee Muqdisho. Shalay oo Sabti ahayd ayaa la aasay.

Mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa aaminsan in marxuumka uu u dhintay fayruska safmareenka ah ee Corona.

Balse ma aysan fahfaahin qaabka uu ku qaadey. Hase ahaatee, waxaa la aaminsan yahay in uusan Muqdisho safar kaga bixin.

Aadan Jamhuuriya, oo sidoo kale ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda Aqalka Hoose, ayaa sidoo kale muddo bilooyin ah wuxuu Isbitaalka u yiilay in laga daaweeyo cudurka kelyaha oo uu la ildarnaa.

Sikastaba, wuxuu noqonayaa Xildhibaankii labaad oo uu magaala madaxda Muqdisho ku galaafto caabuqaas safmareenka ah.

Khaliif Muumin oo ka tirsanaa baarlamaanka HirShabelle isla markaana ahaa Wasiiru Dowlaha cadaalada maamulkaas ayaa todobaadkii hore u dhintay cudurka, maalin kadib markii laga helay fayruska.

Tirada guud ee dhimashada marka laga hadlo Soomaaliya ayaa haatan mareysa todoba; kiisaska waxay gaareen 135; bukaanada kasoo bogsaday waa laba, sidda ku xusan warbixinta Wasaaradda Caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM

Kalsoonida Beesha Caalamka ee Villa Somalia oo Meel Xun Maraysa

Beesha caalamku waxay maalin kasta ka cabanayaan Xasan Sheekh. Waxay leeyihiin wuu naga khasaaray, hadda waan ka guureynaa.

  • Soomaliya

    17-06-2025

  • 09:21AM