Xildhibaan ku dhaawacmey qaraxyo ka dhacay Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Macluumaad dheeri ah ayaa laga helayaa qaraxyo Axadda maanta ah ka dhacay bartamaha Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug.

Qaraxa koowaad oo is-miidaamin ahaa ayaa laga soo wariyey maqaayad Shaaxa laga cabo oo ku taala nawaaxiga Madaxtooyada maamul goboleedkaasi.

Ugu yaraan hal qof oo ah qofka is-qarxiyey ayaa ku dhintay dhacdadaasi, xili ay ku dhaawacmeen shan kale, sida ay sheegeen saraakiisha nabad-gelyadda.

Dadka waxyeelada soo gaartey ayaa waxaa la sheegay in uu kamid yahay Cabdiraxmaan Baraka-Qabe, oo ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka Galmudug.

Warbixinada ayaa intaasi ku daraya in shaqsiyaadka caafimaadka loola cararay uu kamid yahay mukiilihii mehradaasi iyadda oo dadka kale ay yihiin kuwa soo Shaaxi doontay.

Mas'uuliyiinta ayaa tuhunsan in naftii horaha uu ahaa askari. Balse warar kale oo soo baxaya waxay tibaaxayaan in qaraxa lagu aasey gudaha maqaayadda.

Dhinaca kale, ciidamada ammaanka ayaa waxaa lagu waramayaa in ay qarxiyeen Miino kale oo laga helay meel ku dhow kontarool lagu hubiyo gaadiidka.

Illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda dhacdooyinkan loo looga bartay dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Sikastaba, qaraxyadan ayaa kusoo aadaya iyadda oo uu halkaasi ku sugan yahay ra’iisul wasaare Khayre ayna shalay tageen wafdi ka socda dowladda Qadar.

Jimcadii ayey ahayd markii weerar ay AlShabaab ku ekeeyay huteel ku yaala Kismaayo, kaasi oo lasoo afjarey subaxnimadii Sabtida, lagu dilay in ka badan 26 qof ayna ku dhaawacmeen 56 kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM