Xildhibaan u dhintay dhaawac kasoo gaarey "Shiish-barasho"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudane ka tirsan Golaha degaanka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa wuxuu u dhintay dhaawac 19-kii September kasoo gaarey Shiish-barasho.

Marxuumka, Xasan Cali Xasan, oo tan iyo xiligaas ku jiray Isbitaal Madiina ee Muqdisho, ayaa dhintay habeenimadii Arbacada oo ay Khamiis soo galeysay, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta degaanka.

Dhacdada lagu dhaawacay kadibna uu u geeriyooday oo illaa iyo haatan aan baaritaan lagu sameynin ayaa waxaa lagu sheegay "shil".

Xasan ayaa la sheegay in uu barayey gudoomiyaha degmada Warsheekh, Xasan Xaaji Maxamed, sidda loo gano Bastoolad, si uu isaga difaaco weeraro kaga yimaada kooxo hubeysan ama argagixisada.

Al-Shabaab ayaa ah khatarta ugu balaaran ee ay wajahayaan mas'uuliyiinta dowlad goboleedka ay hoostagaan ee HirShabelle.

Xafiiska madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, oo warsidaha Garowe Online uu qoraal u diray si uu kaga hadlo arrintaan, ayaa wuxuu sheegay in uu u tacsiyeynayo qoyska marxuumka.

Mid kamid ah qabuuraha ku yaala magaala madaxda Soomaaliya ayaa lagu aasi doonaa maanta, sidda laga soo xigtay ehelka.

Iyadda oo dhacdadan ay tahay wax ku cusub Soomaaliya, xeel-dheereyaasha ayaa aaminsan in ay xoojineyso baahida loo qabo in la sameeyo goob ay madaxdu ku bartaan qaabka loo isticmaalo hubka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM