Xildhibaan u dhintay dhaawac kasoo gaarey "Shiish-barasho"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudane ka tirsan Golaha degaanka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa wuxuu u dhintay dhaawac 19-kii September kasoo gaarey Shiish-barasho.

Marxuumka, Xasan Cali Xasan, oo tan iyo xiligaas ku jiray Isbitaal Madiina ee Muqdisho, ayaa dhintay habeenimadii Arbacada oo ay Khamiis soo galeysay, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta degaanka.

Dhacdada lagu dhaawacay kadibna uu u geeriyooday oo illaa iyo haatan aan baaritaan lagu sameynin ayaa waxaa lagu sheegay "shil".

Xasan ayaa la sheegay in uu barayey gudoomiyaha degmada Warsheekh, Xasan Xaaji Maxamed, sidda loo gano Bastoolad, si uu isaga difaaco weeraro kaga yimaada kooxo hubeysan ama argagixisada.

Al-Shabaab ayaa ah khatarta ugu balaaran ee ay wajahayaan mas'uuliyiinta dowlad goboleedka ay hoostagaan ee HirShabelle.

Xafiiska madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, oo warsidaha Garowe Online uu qoraal u diray si uu kaga hadlo arrintaan, ayaa wuxuu sheegay in uu u tacsiyeynayo qoyska marxuumka.

Mid kamid ah qabuuraha ku yaala magaala madaxda Soomaaliya ayaa lagu aasi doonaa maanta, sidda laga soo xigtay ehelka.

Iyadda oo dhacdadan ay tahay wax ku cusub Soomaaliya, xeel-dheereyaasha ayaa aaminsan in ay xoojineyso baahida loo qabo in la sameeyo goob ay madaxdu ku bartaan qaabka loo isticmaalo hubka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM