Xildhibaanada Soomaaliya ma xil-doon baa mise mucaarad?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa todobaadkaan golihiisa wasiirada kusoo biiriyay Fawsiya Maxamed Sheekh oo loo magacaabay wasiirka Biyaha iyo Tamarta.

Jagada cusub oo ay heshay Fowsiya ayaa waxaa bishii November ee sanadkii hore 2018 iska casilay Cabdicasiis Lafta Gareen, madaxwaynaha waqti xaadirkaan ee Koonfur Galbeed, si uu u noqdo murashax.

Fowsiya oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ayaa laga hayaa hadalo kulul oo ay ku tuurtay xukuumada Farmaajo iyo Khayre intii ay jirtay xiisadii uu ku baxay Jawaari.

Mudanaha oo ku tilmaamtay dowladda ay ku biirtay "mid fowdo ah" ayaa ugu goodisay Madaxwaynaha in ay ka shaqeyn doonto sidii jagada looga tuuri lahaa hadii uu meesha ka saaro Jawaari.

"Xukuumadaan markii la doortay waxay la baxday Nabad iyo Nolol, waa mid fowdo ah, maalintey timid illaa iyo hadda ayay fowdo dalka ku wadaa, wayna in-qilaabtay," ayay tiri bishii Maaj.

Dadka ayaa is waydiinaya waxa haatan iska badalay mowqifkeeda ku aadan xukuumada ay kamid noqotay ee ay fowdada ku tilmaamtay iyo hadii wali ka shaqeynayso riditaanka Farmaajo.

Sharcidejiyaasha mucaaradka ku ah maamulka Farmaajo ayaa la rumeysan yahay in badankooda ay yihiin kuwa xil doon ah oo raadinaya in ay kamid noqdaan xukuumada uu majaraha u hayo Khayre.

Tani ayaa la fahansan yahay in ay ku riixday wasiirka koowaad ee xukuumada in wasiiradiisa inta badan ay noqdaan sharcidejiyaal si uu uga hortago Mooshin xilka qaadis ah oo laga keeno.

Arrimahaan is-biirsaday ayaa dharbaaxo ku ah isla xisaabtan dhab ah oo ay yeeshaan hay’addaha dowlada iyo danaha qaranka, maadaama Xildhibaan kasta uu ka fekerayo sidii uu u difaacan lahaa kursigiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM