Xildhibaanada oo looga yeeray Kulan ajandihiisa la shaaciyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoonka Gollaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada inay soo xaadiraan kulan saacadaha soo socda ka furmaya xarunta Baarlamaanka ee magaaladda Muqdisho.

Waxaa horey loo sii shaaciyay Ajendaha kulanka oo kala; Warbixinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo akhrinta koowaad ee sharciga wax ka bedelka furdooyinka.

Amaanka wadooyinka gala xarunta Gollaha Shacabka ayaa la adkeeyay, iyadoo laga joojiyay gaadiidka shacabka inay isticmaalaan, waxaana la dhigay ciidamo boolis ah iyo AMISOM.

Kulamada Gollaha ayaa mudooyinkii dambe u baaqayanayay Kooram la'aan, iyadoo inta badan la sheegay in Xildhibaanada Wasiiradda ah aan soo xaadirin, taasoo keentay in shaqooyinka hay'addan sharci dejin ay gaabis noqdaan.

Fadhigii ugu dambeeyay oo Saxaafadda banaanka looga saarey waxaa su'aallo la xiriira amniga lagu waydiiyay Agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin, iyo Wasiiradda Amniga iyo difaaca si lamida Taliyeyaasha Booliska iyo Militeriga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM