Xildhibaanada oo Su'aallo adag ka waydiiyay Beyle oo miisaaniyada 2019

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Muqdisho, kaasi oo uu hortegay wasiirka Maaliyada dalka, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Kulanka oo ahaa kii 31-aad ayaa waxaa soo xaadiray 152 Xildhibaan, iyadda oo uu shir guddoominaayay Afhayeenka Aqalka Hoose Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, xili ay wehliyeen labadiisa ku xigeen.

Furitaanka kulanka oo uu guddoomiye Mursal ka hadlay mudada uu hakadka ku jiray howlaha golaha ayuu qiray inay casharka ka barteen, isaga oo rajo wanaagasan ka muujiyay inaanu dib usoo laaban.

Mursal oo soo qaaday khilaafka gudoonka dhexdiisa ayaa bogaadiyay qaabka ay xalka ugu helayn ayaa wuxuu balanqaaday inay wixii hadda ka dambeeyay ay howsha si caadi ah kusoo laaban doonto.

Intaas kadib, wasiirka Maaliyada, Cabdiraxmaan Beyle, ayaa ka hor-aqriyay Mudanayaasha Miisaaniyada dowladda ee sanadka 2019, taasi oo muran iyo xiisad siyaasadeed oo xoogan abuurtay.

Inta uu ku guda jiray hadal-jeedinta ayuu ka dalbaday Xildhibaanada inay meel-mariyaan Miisaaniyada oo ku tilmaamay mid dalka usoo jiidaysa maal-geshi iyo kobac-dhaqaale oo xoogan.

Gabagabada kulanka, Gudoomiye Mursal ayaa ic-laamiyay Fadhi guud oo qabsoomay Berri oo Axad ah, kaasi oo ay xildhibaanada go'aan ka gaaraan oo cod loo qaado miisaaniyadda maadaama sanadku dhamaad marayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM