Xildhibaanno sharci-darro ku tilmaamey Garsooreyaal uu Farmaajo magacaabey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaano kamida Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sharci darro ku tilmaameen Garsooreyaal uu 24-kii bishan magacaabey Madaxweyne Farmaajo.

War-murtiyeed ay soo saareen Xildhibaanada Kutlada Badbaado Qaran ayay ku eedeeyeen Farmaajo inuu jebiyay dastuurka, kadib markii uu magacaabay 4 Garsoore, oo kamid noqonaya Maxkamadda sare.

Waxay sheegeen Xildhibanada in tirada Garsooreyaasha Maxkamadda sare uu ka dhigay Madaxweynaha 10 Garsoore, halk tirada sharciga ay tahay 9 Garsoore oo kaliye.

Qoraalka ayaa lagu xusay in magacaabista Gudoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed loo marin waddo sharci ah, sidaasi darteedna uusan awood u lahayn soo jeedinta magacaabis Garsooreyaal.

Xildhibaanada ayaa ugu baaqey Madaxweyne Farmaajo in uu waajibkiisa u guto si waafaqsan dastuurka iyo sharuucda dalka, sida ku cad qodobka 87aad, faqradda 2aad.

Waa markii labaad oo Xildhibaanada Gollaha Shacabka ay ku eedeeyaan Madaxweynaha inuu jebiyay qodobo kamid ah Dastuurka Soomaaliya, iyadoo dhawaan at ka tanaasuleen Mooshin xilka qaadis ah isaga ka dhan ah.

Mooshinka oo laga noqday kadib wadahadal hoose oo dhexmaray Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Ra'iisul Wasaare Khayre iyadoo sidoo kale isku shaandheyb lagu sameeyay guddiga maaliyadda oo soo saarey bishii lasoo dhaafay warbixin Xukuumadda ku eedaysay musuq-maasuq iyo maamul xumo maaliyadeed.

HALKAN KA AKHRI WAR-MURTIYEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM