Xildhibaano Mooshin u gudbiyay Guddoomiyaha Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanno gaaraya 17 mudane ayaa maanta mooshin degdeg ah u gudbiyay Gudoonka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ku saabsan xaaladda amni ee Muqdisho.

Warqad ay ku saxiixan yihiin 17 Xildhibaan ayaa loo gudbiyay Gudoomiye Mursal, waxaana lagu dalbaday in amniga lagu soo daro ajandooyinka kulamada Gollaha shacabka.

Xildhibaanada ayaa sheegay in loo baahan yahay Gollaha Shacabka inuu muujiyo matalaad rasmi ah oo aysan ka aamusin Xasuuqa Shacabka Muqdisho ee lagu qarxinayo hoteellada, makhaayadaha, jidadka iyo goobahooda ganacsiga.

Mooshinkan ayaa kusoo beegmaya xilli maanta uu kooram la'aan u baaqday Kulankii Gollaha, iyadoo gudaha xarunta Gollaha Shacabka ay Xildhibaano ka dhigeen mudaharaad. [Halkan akhri warka].

HALKAN K AKHRI MAGACYADA XILDHIBAANADA SAXIIXAY MOOSHINKA:

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM