Dhageysiga dacwadii xisbiga Shariif ka gudbiyey DF oo bilaabaneysa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay si rasmi ah u qabatay dacwad ka timid xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo madaxweynihii 7aad ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.

Baashe Yuusuf Axmed, gudoomiyaha xeer-beegtada ugu sareysa waddanka, oo la hadlay Telefishinka VOA-da qeybta Af Soomaaliga, ayaa tibaaxay in dacwadda la marsiiyey hanaanka garsoorka.

Nidaamka ayaa wuxuu yahay in marka qof ama xisbi dacwad soo gudbiyey la hordhigo qofka laga soo dacwadoodey kadibna uu kasoo jawaabo isla markaana maxkamadda kadib muddeyso dhageysiga kiiska.

"Dacwadaas waxaa soo gudbiyey xisbiga Himilo Qaran, dacwad maamul oo uu ka cabanayo Hay'adda Duulimaadka Rayidka. Dabcan, maxkamadii waxay u gudbisay cidii laga cabanayey, waana kasoo jawaabay," ayuu yiri.

Inkasta oo uusan muddeyn waqtiga saxda ah, Baashe ayaa intaas ku daray: "Dacwadii waxaa hadda harsan dhageysigeeda. Waxaana filayaa in maxkamadda ay dacwadaas dhageysan doonto maalmaha soo socda".

Mr Baashe oo ku doodey in gal-dacwadeedkan uu sharciga wuxuu ka qabo marsiin doonan ayaa meesha ka saarey in ay farogelin kaga imaan karto Laanta Fulinta, taas oo ah wax dad badan shaki badan ka muujinayaan.

"Garsoorka waxaa nagula dhaariyey in aan ku shaqeyno sharciga oo kaliya. In aan dacwadaha u dhageysano si aan cabsi lahayn, annaga oo aan cidna u danayneyn. Tan umadda aan u damaanad qaadeyno waa dhexdhexaadnimo".

Wuxuu cod dheer ku tilmaamay: "Mana jirto cid noo yeerin karta go'aanada aanu gaareyno iyo sidda aynu u gaareyno, oo aan sharciga ahayn".

Bishii October 6-deeda ee sanadkan 2019-ka ayay ahayd markii xisbiga mucaaradka ah ee Himilo Qaran uu si rasmi ah ugu dhawaaqay uu dacwada gudbiyey.

Dacwadda ayaa waxay ku saabsan is hortaag lagu sameyay wafdi ka socda xisbiga kuwaas oo ku wajahnaa magaaladda Kismaayo halkaas oo ay kaga qeybgeli lahaayeen caleema saarka madaxweynaha Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM