Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Farmaajo oo war culus oo saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib kulan ay Xildhibaano ku yeesheen magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan howlka shirarka Guddiyadda joogtada ah ee Gollaha Shacabka [Villa Hargeysa] waxay soo saareen labo qodob oo ku socda Farmaajo.

Ugu horeyntii, Xildhibaanada waxay ku booriyeen inuu hoggaansamo dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, islamarkaana aanu marnaba dhinac marin.

Si lamid ah, Xildhibaanadda Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa waxay soo jeediyeen inta cod loogu qaadayo mooshinka xilka-qaadista uusan “sameyn karin” Madaxwaynaha qodobada soo socda:

1) In wax heshiis ah uusan geli karin.

2) In uusan qofna magacaabi karin xilna ka qaadi karin.

3) In uusan dalka ka bixi karin inta dacwadaadu dhinac uga dhacayso.

Qodobadaan ay soo saareen xubnahaan ayaa kusoo aadaya xili shalay oo Isniin ahayd Gudoomiye ku xigeenada ay soo saareen warqad, taasi oo inta badan umuuqata mid lagu go’doominayo Gudoomiye Mursal.

Sida ku cad warqada, Xildhibaanadda Mooshinka gudbiyay waxaa la faray inaanu ku shiri karin goobaha uu leeyahay Aqalka Wakiilada rayidka, balse waxaa muuqata inay buriyeen maanta oo ay kulan ku qabsadeen.

Tan iyo markii uu soo if-baxay Mooshinka xilka qaadista Farmaajo, oo keenay xiisad siyaasadeed oo qarka u saaran inay xargaha goosato labada dhinac – mucaarad iyo muxaafad – ayaa soo saarayay qoraal iska soo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM