Xilliga la dooranayo madaxweynaha cusub ee Galmudug oo la muddeeyay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa maanta soo bandhigtay "jadwalka" hanaanka coddeynta maamul goboleedkaas.

War qoraal ah oo ay soo saareen ayaa waxay ku shaaciyeen in 25 – 28 bishaan November la xaqiijinayo Odayaasha Dhaqanka.

Sidda ku cad war-saxaafadeedka, 29 November illaa 09 December ayaa waxaa lasoo xuli doono Xildhibaanadda cusub ee Golaha Wakiiladda.

Guddiga ayaa war-murtiyeedka ku xusay in 10-12 December uu howlgeli doono Baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Galmudug.

Bayaanka ayaa waxaa lagu caddeeyay in doorashadda gudoonka baarlamaanka ay qabsoomeyso 13-16 December.

Ugu dambeyntii Guddiga ayaa 17-23 December u iclaameeyey in ay qabsoomi doonto doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Illaa iyo haatan, saddex murashax ah oo laba kamid ah ay ka socdaan mucaaradka iyo mid dowladdu wadato ayaa u taagan xilka ugu sareeya Galmudug.

QORAALKA GUDDIGA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM