Xisaabiyaha Guud oo eedeyn culus u jeediyay Wasiirka Maaliyadda [Warqad]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xisaabiyaha Guud ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Faadumo Cismaan Faarax ayaa eedeymo culu-culus usoo jeedisay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xisaabiyaha Guud 1dii bishan November, ayaa looga jawaab-celiyay warqad kasoo baxday xafiiska Beyle 31-kii October 2018, oo isagana ku saxiixnaa taasoo ay sheegtay Faadumo inay ka muuqatey been abuur iyo marin-habaabin.

Faadumo ayaa sheegtay in warqadda uu soo saarey Beyle ay ahayd mid uu ku rabo inuu ku daboolo waxa ay ku sheegtay qas iyo xadgudubyo maamulka maaliyadda la xiriira oo ka socda gudaha xafiiskiisa.

Waxay kaloo ku eedeysay Wasiirka maaliyadda inuu wado handaad iyo isku day uu ku doonayo in lagu rabaayadeeyo Xisaabiyaha Guud si uusan u gudan hawlihiisa dastuuriga, iyadoo xasuusiyay Beyle in labada xafiis ay kala madax-banaan yihiin shaqo ahaan.

Xildhibaan Axmed Maclin Fiqi, ayaa sheegay in arrinta Xisaabiyaha Guud iyo Beyle ay u baahan in jawaab cad in xukuumaddu ka bixiso, ayadoo aan la isku dayayn in la daboolo musuqmaasuqa laga sheegayo wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

"Sida qoraalkan ka muuqda, waxaa ku qoran eedaymo xooggan oo ay ahayd in madaxda sare ay go'aan degdeg ka qaataan ama mawqifkooda ku aadan arrimahaas ay caddeeyaan, balse taas bedelkeeda waxaan arkaynaa qoraallo qandho jabin ah oo ka soo baxey NISA oo qandaraas iska kacsi ah la xiriira, iyo mid xeer ilaaliyaha guud ka soo baxey oo xiganaya warqad 2015-kii ku taariikhaysnayd oo hadda loo soo nooleeyey ayadoo la daba joogo sida la qiyaasayo hadal uu sheegay maalin dhoweyd wasiirka amniga Jubaland," ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA XISAABIYAHA GUUD:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM

Madaxweynaha Somaliland oo Amray In La Sii Daayo dadkii Lagu Xiray Mudaharaadkii Burco

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa beenisay wararkaas, iyadoo sheegtay in cafiska loo sameyn doono kaliya maxaabiista ku xukuman dambiyo fudud.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 06:08AM