Xisbiga madaxda maamulada maka qeybgalayaan doorashada 2020?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda dowlad Goboleedyadda, ayaa shirkii ugu dambeeyay oo ay ku yeesheen Garowe, bishii hore waxay ku sameysteen xisbi ay ugu magac-dareen Xisbiga Horusocod Qaran, kaasoo uu Gudoomiye ka noqday Cabdiwali Gaas, madaxwaynaha Puntland, ee waqtiga uu ka dhamaanayo.

Inkastoo wali aanan loo dhameystirin shuruudihii xisbinimo oo ay ugu horeyso inuu diiwaan-geliyo Guddiga Doorashooyinka qaranka iyo inuu soo buuxiyo qodobada laga doonayo si ay ugu biiraan axsaabta dalka ka jirta oo haatan si KMG ah loo meel-marinayo, hadana maamulada ayaa qorshahooda soo bandhigay.

Afhayeenka Madasha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda, Cabdullaahi Sheekh Xasan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa daboolka ka qaaday inay rabaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen buuxinta dhamaan shuruudaha looga baahan yahay xisbiga siyaasadeed ee madaxda dowlad goboleedyda.

Xasan ayaa tilmaamay inay qorsheynayaan sidii ay uga qayb-gali lahaayeen doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sanadka 2020-ka, taasoo lagu wado inay noqoto hal qof iyo cod ah, laakiin ay xisbiyada matalaad ku yeelanayaan Baarlamaanka.

“Xisbigeena, waxuu doonayaa inuu ka qeybgalo doorashada 2020-ka ee dalka ka dhaceysa. Shuruudaha naga horyaala wuxuu Golluhu uyahay diyaar inuu buuxiyo,” ayuu yiri Afhayeenka Maamul Goboleedyadda, ahna Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili dalka laga dareemayo olale doorasho oo waqtigooda kasoo horumar oo ku saabsan doorashada 2020-ka, oo ay wadaan mucaaradka, xukuumada haatan jirta iyo waliba dowlad goboleedyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM