Xisbiga Sheekh Shariif oo dacwad ka gudbiyey xukuumadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed, ayaa dacwad ka dhan ah xukuumadda u gudbiyey Maxkamadda Sarre.

Sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo xisbiga siyaasadeed kasoo baxay, dacwadda ayaa waxay ku saabsan tahay is-hortaagii lagu sameeyay in Shariifka u socdaalo magaaladda Kismaayo.

Sheekh Shariif ayaa bishii hore ee September loo diiday in uu ka dhoofo garoonka Muqdisho si uu caasimadda ku meel gaarka Jubbaland uga qaybgalo caleema saarka Axmed Madoobe.

Talaabadaas ayaa daba socotay markii Laanta Fulinta ay ku amartay in diyaaradaha tegaya Kismaayo ay maraan madaarka Muqdisho si hubin la xiriirta amniga loogu sameeyo.

Go'aankaas ayaa lagu manceeyay isku day ay Villa Soomaaliya ku dooneysay in ay ku baajiso xafladda oo dib uga dhacday waqtigii loo qorsheeyay oo ahayd 26-kii September oo lasoo dhaafay.

Puntland, Jubbaland, xisbiyo, siyaasiyiin iyo xubno kale oo ururada bulshadda ka tirsan ayaa cambaareeyay arrintaas iyaga oo ku sifeeyay "mid sharci darro ah oo baalmarsan Dastuurka".

Dowladda Federaalka ayaa illaa iyo haatan aan wali ka falcelin talaabadda uu qaaday xisbiga Sheekh Shariif.

Iyadda oo ay wali jirto xayiraadda, diyaar ka timid Nairobi, caasimadda Kenya, ayaa Sabtidii, 5-ta October 2019, tagtay Kismaayo, waxaana la socday wafdi ka qeybgalay caleema saarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM