Xisbiyadda mucaaradka oo si adag u diidey riditaanka xukuumada Khayre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xisbiyadda mucaaradka gudaha Soomaaliya ayaa si xooggan u naqdiyey kalsooni kala noqoshadda uu Golaha Shacabka ku sameeyay xukuumadda ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

War-saxaafadeedyo ayay daaha uga rogeen in hanaanka loo maray eryida Laanta Fulinta aysan waafaqsaneyn shuruucda iyo dastuurka waddanka.

Wadajir, oo ah xisbi uu hogaamiyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa rumeysan in hadafka laga leeyahay kalsooni kala noqoshada xukuumadda ay tahay in carqaladeeyo shirka Dhuusamareeb.

Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa sidoo kale waxay ku tilmaamtay "mid loogu gogol-xaarayo muddo kororsi aan sharci ahayn". Farmaajo ayay ku eedeeyeen "in uu dalka u horseedayo qalalaase siyaasadeed".

"Madaxweyne Farmaajo marna diyaar uma aha in uu ilaaliyo dastuurka, heshiisyadda siyaasadeed iyo xasiloonida dalka, wuxuuna wax kasta ugu kacaa kordhinta muddo xileedkiisa," ayuu xisbiga Wadajir ku yiri qoraalka, isagoo ku baaqay ka mirodhalinta heshiiskii Dhuusamareeb.

Heshiiska Dhuusamareeb oo ay isla gaareen madaxda maamulada iyo dowladda federaalka ayaa dhigayey in dalka ka dhacdo doorasho lawada ogol-yahay iyo in laga heshiiyo nooca 15-ka bisha Agoosto.

Villa Soomaaliya iyo guddoonka Aqalka Hoose ayaa xusul-duub ugu jira in 2020-21 la qabto doorasho qof iyo cod, taas oo ay ku hoos jirto muddo kordhin maadaama waqtiga hara aysan ku qabsoomin karin.

Sikastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa waxay hadda u muuqata mid dhex-dabaalaneysa qalalaase siyaasadeed oo ka dhashay muranka nooca doorashooyinka, kaas oo bilooyinkii lasoo dhaafay si hoose usoo jiitamayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM