Xisbiyadda mucaaradka Soomaaliya oo ka baxay wada-hadalkii DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xisbiyadda mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqay in uu burburay heshiiskii ay la galeen dowladda madaxweyne Farmaajo.

War qoraal ah oo ay soo saareen ayay ku sheegeen in fashilka heshiiska ay sababteeda leedahay xukuumadda federaalka oo ay xuseen in aysan fulin dhamaan qodobadii lagu heshiiyey.

War-saxaafadeedka ayay ku caddeeyeen in ay ka baxeen gebi ahaanba wada-xaajoodyadda oo ku saabsanaa doorashooyinka sanadka dambe iyo geedi u socodka siyaasada.

Wada-hadalkii u dambeeyay ee dhexmaray Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh, ayaa qodobada kasoo baxay waxay kala yihiin;

1. In Farmaajo "ka garaabay" ficiladii lagula kacay Madaxweyneyaashii hore.
2. Waxaa la isla gartay doorashada hay’adaha dastuuriga ah oo dhan in ay xiligeedii ku dhacdo. Dhamaan dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamilayda siyaasadeedna ka heshiiyaan modelka doorashada 2020 – 2021
3. In la dhowro dastuurka, xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed
4. Ciidamada siyaasadda in laga dhex saaro. Siyaasiintuna aysan amniga siyaasadeyn.
5. La dagaalanka Alshabaab in meel looga soo wada jeesto.
6. Qodobo kale oo laga wada hadlay lkn lagu balamay in marka la iskaga yimaado oo laga wada hadlo ayaa jira.

Bayaanka Khamiista maanta ah, 19-ka December, 2019, kasoo baxay Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa ku eedeeyay Farmaajo uusan "daacad ka ahayn" dhaqan-gelinta qodobadan.

Dhinaca kale, Villa Soomaaliya kama jawaabin eedeynta iyo hadalka kasoo yeeray Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee wadanka.

QORAALKA MADASHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM