Xogtii u dambeysay shirka guddiga farsamada ee Baydhabo

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Guddiga farsamada ee xalinta khilaafka ka taagan doorashooyinka 2020-21 ayaa shirkooda wuxuu maalintii labaad ku galay magaala madaxda ku meelgaarka u ah Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Iyadda oo ajendaha ay ku jiraan qadiyadaha guddiyada iyo xulista wakiilada Somaliland, haddana arrinta gobolka Gedo waa tan ugu culus ee xalka ay u goobayaan wakiiladda dowlada, maamulada iyo Banaadir.

Dhowr illo wareed oo u waramay warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyey in isu-soo-dhowaanshiyo ay ka jirto arrinta gobolka Gedo una badan-tahay in lagu shaqeyn doono soojeedintii shirkii Dhuusamareeb afar.

"Go’aanada uu guddiga soo saari doono waxay diiradda saari doonan xalka arrimaha muranka ka taagan yahay ayna kamid tahay in degaanada doorashada ka dhaceyso ee gobolka Gedo la geeyo maamul ay Jubaland soo magacaabeyso," hayay sheegeen xubno si hoose ula hadlay mareegga GO.

Saalax Jaamac, wasiirka dastuurka xukuumadda muddo xileedkeeda uu dhamaadey oo ka dhawaajiyey in shirkii ay xalay yeesheen isla gaareen xilli dambe, ayaa tibaaxay "in horumar ballaaaran laga sameeyay".

"Waxaan rajeynayaa in shirka noogu dhamaado is-afgarad wanaagsan iyadda oo magaaladda Baydhabo ay noqoto meel heshiis lagu gaaro laguna dhameystiro qodobadii harsanaa," ayuu dhamaadka shirka kadib yiri.

Dhanka kale, Cali Cabdi Raahe, lataliyaha arrimaha doorashooyinka Farmaajo oo aan ku jirin xubnaha uu ra'iisul wasaaruhu magacaabay, ayaa laga saarey shirarkii u dambeeyay markii uu casuumaad la'aan xaadiray.

Dhamaadka shirka guddiga farsamadda waxaa la filayaa in munaasabadda saxiixa kama dambeysta ah ay ka dhacdo caasimadda Muqdisho kana wada qeybgalaan madaxda dowladda federaalka ee muddo dhaafay iyo maamulada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM