Xubin cusub oo kamid noqonaysa guddiga doorashada oo la ansixiyey

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo Talaadada maanta ah fadhi ku yeeshay xaruntiisa caasimadda Muqdisho ayaa meelmariyey xubin ku biireysa guddiga doorashooyinka Qaranka.

Marwo Sacdiyo Shuuriye oo isla goobta lagu dhaariyey balanqaadeyna u hogaan-samida dastuurka ku meelgaarka ah ee waqti xaadirkaan uu waddanka ku shaqeeyo waxaa horey u soo ansixiyey Golaha Shacabka.

Hadal-jeedin kooban oo ay fadhiga ka sameysay ayay ugu mahadcelisay mudaneyaasha kalsoonidooda siiyey una coddeeyay.

Fadhigaan oo ahaa kulankii 4aad isla markaana qayb ka ah kalfadhiga 7aad waxaa soo xaadiray Senatoro buuxiyey kooramkii loo baahnaa.

Xaliima Ismaaciil Ibraahim, gudoomiyaha guddiga doorashooyinka iyo xubno wehliyey, ayaa waxay goobjoog ka ahaayeen kulankaan.

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo waqtiga uu kasii dhamaanayo ayaa ku fashilmay in ay dalka ka hirgeliyaan coddeyn qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku dhacda, iyagoo codsaday muddo kordhin laga diidey.

Heshiis ay hogaamiyeyaasha siyaasadda ka gaaraan nooca doorashooyinka soo aadan ayaa meesha ka saareysa guddiga, maadaama waajibaadka loo idmaday uu yahay qof iyo cod, hadii aysan dhaceyna la filayo in guddi kale la dhiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM