Xubin ka tirsanayd gudiga wadahadalka DF iyo Somaliland oo "is-casishay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - C/raxmaan Cabdi Xuseen [Guulwade] ayaa iska casilay xubinnimadda Guddiga wada-hadalada Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, sidda ay sheegtay Villa Soomaaliya.

Madaxtooyadda Qaranka war qoraal ah ku xaqiijisay in la aqbalay is-casilaada Guulwade oo kamid ahaa saraakiisha dowladii kacaanka ee madaxweyne Maxamed Siyaad Bare.

"Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland," ayay tiri.

Guddigaas ayaa waxaa sanadkii hore 2019 magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Talaabada uu qaaday Guulwade ayaa kusoo aadeysa xili uu difaacay duulaanka ay dowladii Siyaad Bare ku ekeysay gobolada waqooyi ee haatan loogu yeero Somaliland.

"Dad ayaa diyaarad lagu garaacay run weeye, dad ayaa la laayay run weeye, laakiin dal kasta oo adduunka hal ma ogolaan karo madax banaanidiisa iyo midnimadiisa in lagu ciyaaro dowlad adduunka ogol ma jirto, ciidan jabhad oo iyagoo hubeysan oo dalka inay kala gooyaan diyaar u ah ayay magaalada soo galeen, dowladdii markaas jirtay ma waxaa kula talin laheyd inay soo kala cararaan, dowlad kasta adduunka joogta waxay mas'uul ka tahay madax banaanida iyo midnimada, cidii midnimadaas halis ku ah waxay xaq u leedahay wax kasta awood ah inay isticmaasho," ayuu u sheegay Shabeelle TV.

Villa Soomaaliya oo ka jawaabtay hadalkaas ayaa sheegtay in uusan "ka turjumeyn mowqifka guud ee Guddiga" kaasoo aanan wali si rasmi ah u shaqo bilaabin.

"Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade waa mid kafog waaqaca aan maanta ku nool nahay, wuxuuna dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhanyahay," ayuu raaciyey bayaanka kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Qoraalka ayaa ku daray: "Shacabka Somaliland waxay dhiig iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii dalkan looga xoreyn lahaa gumeystihii kusoo duulay, iyagaana hormuud u ahaa midnimadii labada gobol. Midnimadaas kuma iman khasab iyo gacan ka hadal ee waxay ku timid wada hadal, is qancin, is-qaadasho iyo isu tanaasul".

War-saxaafadeedka ayaa kusoo gabagabeeyay: "Waxaan aad uga xunnahay hadalka danjiraha, annaga oo adkeynayna inuu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga uu ka tirsanaa".

Somaliland oo tan iyo 1991-dii sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya wali ma helin aqoonsi. Wada-hadalada dowladda iyo maamulkaas ayaa hakad ku jira shantii sano ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM