Jubbaland oo ku dhawaaqdey xubnaheeda guddiga farsamadda

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa magacaabay laba xubnood oo dowladda Jubaland ku metelaya guddiga farsamo ee kasoo talobixinaya nooca doorasho ee dalka ka dhici karta sanadka 2020-21.

Labada xubnood ayaa kala ah; Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Xamze Cabdi Barre, Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.

Sidda lagu sheegay wareegto kasoo baxdey xafiiska Axmed Madoobe, magacaabidaan ayaa daba socota go'aannadii kasoo baxay wejigii labaad ee shirka Dhuusamareeb kaasoo ay yeesheen madaxda dowladda iyo maamualda.

"Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam isagoo tixraacaya war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ee magaaladda Dhuusamareeb ee Dowladda Galmudug, kaas oo qabsoomay 22 Luulyo, 2020," ayaa lagu yiri.

Waxaa la raaciyey: "Shirkaas oo qodobadii kasoo baxay ay ka mid ahayd in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, shaqada guddigan ayaa ah in uu kasoo shaqeeyo hannaanka Doorashooyinka Dalka.

"Hadaba Madaxweynaha Dowladda Jubbaland wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Jubbaland," ayaa lagu soo xiray.

Guddigan farsamo oo ka kala imaan doona dowladda federaalka ah iyo maamuladda ayaa looga fadhiyaa in ay warbixin kusoo gudbiyaan laba todobaad gudahooda kahor wejiga saddexad ee shirka 15-ka bisha August.

Nooca ay noqoneyso doorashadda loo qorsheeyay 2020-21 wuxuu ahaa qodobka ay madaxda isku fahmi-waayeen mudadii ay ku shirsanaayeen caasimadda Galmudug, iyagoo aakhiritaankii isla qaatay in ay guddi u saaraan.

Dowladda Puntland ayaa horey u magacowday xubnaha ku metela guddigaan, waxaana la filayaa in sidaan oo kale ay magacaabaan maamuladda kale ee waddanka iyo xubnaha ka imaan doona dhanka Dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM