Xubno Al-Shabaab ah oo "ku dhintay" qarax ay maleegayeen

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa 61 dagaalame oo ay ku jiraan lix hogaamiyeyaal waxay ku weyday qarax ka dhacay xarun lagu diyaarinayey qaraxyada, sida ay warisay warbaahinta dowlada.

Idaacada ku hadasha afka ciidamada Soomaaliya oo baahisay in qaraxa uu dhacay shalay galab ayaa xustey in ay ku taalo tuulada Aala-fuutow oo 65-KM u jira degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha hoose.

"Goobtaasi inuu qarax ka dhaco waxaa sababay kadib markii waxyaabihii ay farsameeynayeen ay ku qarxeen xarunta [oo] ahayd guri ka koobnaa 11-qol kaasi oo lagu diyaarinayay gaari iyo miinooyinka dhulka lagu aaso iyo sidookale jaakadaha maleeshiyaadka argagixisada u isticmaalaan isqarxinta," ayaa lagu yiri warbixinta Idaacadda SNA.

Sida ku cad warbixinta, hogaamiyeyaasha waxaa kamida ajaaniib - Axmed Shariif (Abuu Bilaal) oo u dhashay Agaanistaan iyo Khaalid oo la sheegay in uu u dhashay Kenya -  iyadoo labaduba qaabilsanaayeen qaraxyada.

Saraakiil ka tirsan taliska milatariga Soomaaliya oo warbixinta lagu soo xigtey iyaddoo aan lasoo bandhigin magacyadooda ayaa waxay intaas ku dareen in ay baaritaan ku waddaan magacyada hogaamiyeyaasha kale.

Marka laga soo tago sheegashada ciidamada Soomaaliya, ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya. Sidoo kale, ma jiro war ku saabsan dhacdadan oo kasoo baxay dhanka ururka xiriirka la leh Al-Qaacida.

Inta badan Al-Shabaab ayaa dardargelisa weerarada ay ka fuliso magaalooyinka Soomaaliya marka ay soo dhowaadaan doorashooyinka madaxtonimada iyo baarlamaanka oo dhowaan bilaaban doonta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM