Xubno Al-Shabaab u uruurinayey canshuur oo howlgal lagu beegsaday

Image

BALCAD, HirShabelle – Ciidamada booliska iyo sirdoonka Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay Shabeellaha Dhexe ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno Al-Shabaab u uruurinayey canshuur, sidda la sheegay.

Howlgalka ayaa lagu waramay in uu ka dhacay nawaaxiga degaanka Daniga oo ku dhow magaaladda Balcad ee gobolkaas.

Saraakiisha ayaa tibaaxay in dagaalameyaasha la beegsaday iyaggoo isbaaro lacag kaga qaadaya gaadiid rakaab ah.

Maamulka ayaa xaqiijiyey in laba kamid ahaa dableyda la dilay, halka saddex kalena dhaawac loo geystay.

"Howlgalkaan ay qaadeen ciidamaddeena geesiyaasha ah wuxuu dhacay galabnimadii Jimcadda," ayay raaciyeen.

Warar ayaa sheegaya in ciidamadda ay nolol ku qabteen qaar kamid ah maleeyshiyaadka dhaawacmay.

Canshuur qaadista sharci daradda ah ee Al-Shabaab ayaa kamid ah ilaha dakhli ee kooxdu isku haleyso, wallow uu socdo olole balaaran oo looga hor istaagi lahaa maadaama uu halis ku yahay in cagta la mariyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM