Xukun lagu riday Askari qof Muqdisho ugu dilay 2 kun oo Shilin

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukun dil toogasho ah oo lagu riday askari katirsan Booliska DF, kaasoo Muqdisho ku dilay 16-kii Bishii June Oday ganacsade ahaa.

Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta halkaasi oo marxuumka oo la oran jiray Cumar Xasan ku lahaa goob yar oo Ganacsi. Dilkiisa ayaa ka dhashay muran laba kun oo shilin Somaali ah oo Askariga Odeyga kaga iibsan lahaa sigaar.

Askariga ayaa markii uu odeyga ka diiday lacagta, maadaama ay ahayd mid jeex-jeexan xabad madaxa uga dhuftay, taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo ganacsadaha, oo goobta markii dambe meydkiisa laga qaaday.

Dable Boolis Nuur Daahir Geedi oo ka tirsan Saldhiga Booliska degmada Shangaani ayaa maanta lagu xukumay dil, sida Maxkamadda ku dhawaaqday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kalsoonida Beesha Caalamka ee Villa Somalia oo Meel Xun Maraysa

Beesha caalamku waxay maalin kasta ka cabanayaan Xasan Sheekh. Waxay leeyihiin wuu naga khasaaray, hadda waan ka guureynaa.

  • Soomaliya

    17-06-2025

  • 09:21AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniin culus u diray dowlado shisheeye 

“Ciddii isku dayda inay kala qaybiso Soomaaliya waxay heli doontaa kaliya waqti, dadaal iyo diblomaasiyad khasaaray,” ayuu yiri madaxweynaha.

  • Soomaliya

    16-06-2025

  • 06:03PM