Xukun lagu riday wasiir ka tirsan Xukuumada Somalia oo lagu helay musuq-maasuq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa go’aan ka gaartey kiis ku saabsan musuq-maasuq loo haystay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Mas'uulkan oo shaqo joojin lagu sameeyay bishii Augus ee sanadkan, ayaa waxaa dacwad kusoo oogay xafiiska Hantidhowrka iyo Xeer-illaaliyaha qaranka, taasi oo ahayd inuu ku kacay fal musuq-maasuq ah iyo ku tagri-fal hantida dadweynaha.

Wasiir ku xigeenka ayaa lagu helay eedeymihii shaqada looga joojiyay kuwaasoo kamid ah inuu Khasnada Wasaarada Arrimaha Dibadda kala baxay lacag aanan cadadkeeda la shaacin, taasi oo uu amray Hantidhowrka in aanan la bixin karin.

Ku-xigeenka koowaad ee xeer ilaaliya Guud ee Qaranka Dr. Jamaal Maxamed Axmed, oo wakiil ka ahaa Xeer-illaaliyaha, ayaa maxkamadda hor-geeyay caddeymaha ay u hayaan inuu Mukhtaar baxshay lacagta.

Qareenadda difaacaysay Wasiir ku xigeenka oo qiray bixinta lacagta ayaa waxay tibaaxeen in mas'uulkan uusan u isticmaalin dano gaar ah, balse uu ku bixiyay baahiyo wasaaradda soo foodsaarey.

Intaasi kadib, Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Banaadir, Muuse Macalin Maxamed oo xukunka ku dhawaaqay ayaa shaaciyay in Wasiir ku xigeenka ay ku cadahay eedaynta loosoo jeediyay, isagoo ku xukumay ganaax lacageed oo gaaraya $7,000.

"24-ka saacadood ee soo aadan, waxaa u furan Racfaan oo uu ka qaadan karo xukunka maxkamadda,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Banaadir.

Mukhtaar ayaa xukunka ganaaxa lacageed lagu riday isagoo ka maqan Maxkamadda.

Kiiska musuq-maasuqa ee loo haystay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa qeyb ka ah fadeexad wax-isdaba-marin ah oo loo xiray dhowr mas'uul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM