Xukuno lagu riday xubno ka tirsan "Sirdoonka" Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War qoraal ah oo kasoo baxay maanta oo Arbaco ah Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay xukuno kala duwan ku riday Labo ruux, kuwaasi oo lagu soo eedeeyay inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin.

Ragga la xukumay oo kala ah; Maxamed Cabdi Salaad Nuur, oo 8 sano oo xabsi ciidan ah garka loo geliyay, iyo Gacal Maxamed Cali Maxamed, oo isana saddex sano lagu xukumay ayaa la sheegay inay kamid yihiin garabka Sirdoonka Al Shabaab ee Amniyaatka.

"Raggan oo Al-Shabaab uga tirsanaa kooxda loogu yeero Amniyaadka ee sirdoonka u qabailsan waxay ciidanka dowladda kasoo kala qabteen degmooyinka Cabdi-caziiz iyo Wardhigleey," ayaa lagu yiri bayaanka.

Nuur oo la sheegay inuu Al-Shabaab kaga biiray sanadkii 2015-kii tuuladda Gamboole ayaa soo qaatey tababar saddex bilood ah, gaar ahaan ganitaanka hubka fudud iyo dilalka qorsheysan, xili uu ka tirsanaa Amniyaadka Shabaab.

Maxamed oo ah eedaysanaha labaad ayey maxkamadu sheegtay inuu iska bari-yeelay gabi ahaanba eedaha loosoo jeediyay, isagoo tibaaxay inaanu sameyn wax qalad ah, uuna ka fog yahay waxa lagu soo eedeeyay.

Ugu dambeyntii, war-saxaafadeedka maxkamadda ayaa tilmaamtay Nuur iyo Maxamed ay haystaan fursad ah racfaan uga qaadan karaan xukunka lagu ridday, inkasta oo aanan la shaacin mudada ay ku egtahay.

Haya'adaha xuquuqul insaanka ayaa cambaareeyay xukunada ay ridaan maxakamadaha ciidamada dalka, oo u badan dilal lagu fuliyo dhalinyaro qaarkood la sheegay inay ka yar yihiin da'dii maxakamad lasu soo taagi lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM