Xukuumada Gaas oo gaadiidka xamuulka ku joojineysa Galkacayo

Image

Arbaco, September 3, 2014 [GO]-Qoraal ku taariikhaysan 20 August,2014 oo kasoo baxey Wasaarada Arrimaha Gudaha , nuqul kamid ah-na soo gaarey warsidaha GO ayaa faraya dhamaan Gudoomiye-yaasha gobolada iyo kuwa degmooyinka iney joojiyaan baabuurta xamuulka ee isaga gooshta Puntland iyo gobolada Konfureed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa faraya Gudoomiyaha gobolka iyo degmada iney joojiyaan gadiidkaan u kala gooshaya Koonfurta Somalia iyo Puntland islamarkaana u sameeyaan goobo cayiman oo lagu kala wareejiyo badeecadaha ay sidaan laga bilaabo 25 Sept,2014.

Wareegtadaan ayaa sidoo kale amreysa in Wasardaha iyo hay'adaha ku shaqo leh howshaan ka caawiyaan gobolka Mudug.

Qoraalkaan ayaa abuurey hadal hayn farabadan iyadoo ganacsatada reer Puntland oo badeecadahooda u safrin jirey Koonfurta Somalia lagu joojinay gadiidkooda magaalada Galkacayo halka kuwa Koonfurta Somalia ka yimaadana halkaas so dhaafi karin.

Go'aankaan kasoo baxey xukuumada Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa ku abuureysa degaanada Puntland khalkhal ganacsi halka qaar ka tirsan ganacsatada oo la hadley GO sheegeen in badeecadaha uga yimaada Koonfurta deganadaan joogsan karaan ama kusoo gaari karaan magaaloyinka waaweyn qiimo badan sababtoo ah waxey la kulmayaan cashuur, kireyn bakhaaro iyo kharashiyaad kale oo la xiriira dajinta iyo rarida gadiidka la xanibay.

Rugta ganacsiga Puntland ayaan weli ka hadlin go'aankaan kasoo baxey Wasaarada arrimaha Gudaha.

GAROWE ONLINEHoos ka akhri qoraalkaan oo PDF ah

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM