Xukuumada iyo mucaaradka oo ku heshiiyey tobban qodob

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa Arbacada maanta ah waxay Muqdisho ku gaareen heshiis lagu soo afjarayo qalalaasaha ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Madasha lagu gaarey is-afgaradka waxaa goobjoog ka ahaa ra'iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, inta badan musharaxiinta madaxtinimadda iyo Xildhibaanada laba gole.

Dhinacyadda ayaa waxaa isla meeldhigeen tobban qodob taasoo fulinteeda ay mas'uul kawada yihiin Rooble iyo xukuumadiisa, sidda ku xusan qoraalka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

1. In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

2. In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

3. In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.

4. In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.

5. n Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida.

A. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda.

B. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.

6. In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.

7. In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.

8. In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.

9. In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.

10. Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.


Heshiiskan ayaa kusoo aadaya xilli lagu waddo in 20-ka bishaan Maajo sanadkan 2020 uu caasimada Muqdisho ka bilowdo shir looga hadlayo masiirka doorashooyinka Soomaaliya kaasoo u dhaxeeya dowlada iyo maamulada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM