Xukuumada oo aan wali maamulada gaarsiin lacagta ay u fasaxdey

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa nan wali maamul goboleedyadda waddanka waxa aysan gaarsiinin lacagta ay sheegtay in ay u fasaxday taasoo dhan min hal milyan oo Doolar.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shaaca ka dhigay in lacagtaas loogu talagalay ka hortagga fayruska dilaaga ah ee Corona.

Xaqiiqada ku saabsan in lacagta aan wali loo dirin Maamul Goboleedyadda waxaa daaha ka rogay Puntland iyo Jubaland.

Ma cadda hadii ay arrintaas ku kooban tahay labadda maamul ama in ay la qabaan Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug, kuwaas oo xiriir wanaagsan la leh Madaxtooyadda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka Maaliyadda federaalka, ayaa lagu amray in uu lacagatas ku wareejiyo Maamulada dalka.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xilli tirada kiisaska Covid-19 ee guud ahaan dalka ay si maalinleh u sii kordhayaan ku dhow yihiin 300.

Wasaaradda Caafimadka federaalka oo adkeysay in halista ay baaxad leh u taagan tahay ayaa hoosta ka xariiqdey baahida loo qabo in dadku muujiyaan feejignaan dheerad ah si looga baaqsado khatartaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM