Xukuumada oo albaabadda u furtey wadahadal ay la gasho mucaaradka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumada ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka fal-celisay shirkii ay Nairobi ku yeesheen siyaasiyiinta ka aragtida duwan ee isugu jiray mudanayaal ka tirsan Golaha Shacabka iyo madax horey.

Daahir Maxamuud Geelle, wasiirka warfaafinta, ayaa uga digay Xildhibaanada ku kulmay caasimada Kenya in ay ku fogaadaan "mucaaridnimada aan qumaneen".

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Sacuudiga ayaa tibaaxay in dowlada ay albaabada u fureyso xubno ka aragti duwan ee haya oraah wax lagu saxayo.

"Mucaaradka waa in aysan xawaaraha ka badin … oo ay noqdaan mucaarad haya aragti ka duwan tan aan haatan hayno oo wax lagu saxayo," ayuu xusay.

Mr Geelle ayaa hoosta ka xariiqay in maamulka haatan haya talada wadanka uu soo dhaweynayo in ay miiska wadahadalka la fariisato mucaaradka.

"Midka dibada joogo iyo kan dalka ku sugan, sidaad yeesho waa lagu yeelayaa, dhaqan mucaarad oo quman baa la idinka doonayaan," ayuu raaciyay.

Sidda laga soo xigtay wasiir Geelle, xukuumada Farmaajo ayaa looga fadhiyaa in ay muujiso "dhaqan talin oo quruxan, taasi oo dalka ku hageysa horumar".

"Hadii inaga nagala waayo dhaqan talin oo quman … boog bugta ayay nagu noqoneysaa oo aanan [daaweys-meyn]," ayuu si cad daaha uga rogay wasiirka.

Siyaasiyiinta ku shiray dalka deriska ah oo isugu jira Xildhibaano, madax hore iyo hogaamiyeyaal xisbi ayaa codsaday in la bedello xukuumada Khayre.

"Hadii aysan iyagu la imaan anshax siyaasadeed, waxaa u imaan doono kuwa gambar gaaban ugu fadhiya," ayuu hadalkiisa raaciyay, xili uu u muuqday mid u digaya.

Sidda ku cad bayaanka ay soo saareen siyaasiyiinta, Laanta Fulinta ee haatan jirta waxa ay ku fashilantay amniga iyo abuurista xasilooni siyaasadeed.

Hadalka wasiir Geelle ayaa lagu macneeyay in xukuumada ay dabcisay mowqifkii adkaa oo ay ka haysatay mucaaradka, ayna ogolaatay in ay la furto wadaxaajood.

Mucaaradka xukuumada Farmaajo ayaa lagu dhaliilaa in badankooda ay yihiin kuwa xil-doon ah maadaama xubno horey u dhaliilsanaa ay haatan kamid tirsan Golaha Wasiirada.

Soomaaliya ayaa lugaha lasii galeysa jawi ol'olale iyo loolan siyaasadeed oo xisbiyada ah maadaama doorashada soo aadan ee 2020-21 ay noqoneyso mid ay axsaab ku baratamaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM