Xukuumada oo fahfaahisay socdaalka Rooble ee Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Arbacada maanta ah wuxuu u socdaalay magaala madaxda ku meelgaarka u ah Jubaland ee Kismaayo.

Warsidaha Garowe Online ayaa horey wuxuu u soo bandhigay in Rooble ay socdaalka ku wehlin doonan mas'uuliyiin kala duwan isla markaana uu kadib u safri doono xarunta Kenya ee Nairobi.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ayaa looga warbixiyey socdaalka Rooble kaasoo la filayo in ay si diiran u soo dhaweeyaan hogaanka dowlad goboleedka Jubaland.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u ambabaxay magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad-goboleedka Jubaland," ayuu lagu yiri.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Ra’iisul Wasaaraha oo hoggaaminaya wafdi ballaaran ayaa inta uu joogo Jubaland waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta, isagoo u kuurgali doona xaaladda guud ahaan Jubaland".

"Inta uu joogo Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu dhagax dhigi doonaa mashaariic horumarineed oo dowladdu ka higelineyso Jubaland. Waa socdaalkii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare Rooble ku tago Jubaland," ayaa la raaciyey.

Qoraalka ayaa lagu soo xiray: "Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale daarran dhammeystirka dib heshiisiinta Gedo iyo si guud howlaha doorashooyinka oo uu hormuud ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu".

Socdaalka Rooble ee Kismaayo ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan la filayo in ay shaqo bilaabaan guddiga uu u saarey dib-u-heshiisiinta gobolka Gedo taasoo xudun u ah qabsoomida doorashooyinka 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM