Xukuumada oo iska fogeysay in ay ku lug lahayd mamnuucistii DP World

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Baarlamaanka federaalka ah ayaa bishii Maaj 2018-kii waxa uu dalka ka mamnuucay shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka, taasi oo maamusha dekadaha Boosaaso iyo Berbera.

Qaraar ay labada Aqalka ansixiyeen ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in heshiisyada waawayn sida arrimaha maalgashiga iyo dibadda ay kaliya geli karto dowlada dhexe "oo mas'uul ka ah dalka oo idil".

DP World ayaa xiligaasi lagu eedeeyay in ay ku tumatay madaxbanaanida, siyaasada iyo qaranimada Soomaaliya, inkasta oo maamulka shirkadaasi ay gaashaanka ku daruureen eedeymahaasi.

Tan iyo markii uu sharcigaasi soo baxay, madaxweyne Farmaajo oo loo gudbiyay wali ma uusan qalinka ku duugin, taasi oo su'aallo ku forara sababaha ku riixay ay ka dhasheen.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa ugu dambeyntii ka jawaabay waxa tan iyo waqtigaasi uu Farmaajo u saxiixi la'yahay xeerkaasi.

Khadar oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaadey in xukuumada iyo madaxtooyadda aysan wax lug ah ku lahayn go'aankaasi, oo uu ku tilmaamay "mid ay curiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka".

Mudanayaasha ayaa hindisahaasi isku dabariday markii Somaliland, DP World iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshis saddex geesood ah oo lagu balaarinayo marsada Berbera iyo saldhig halkaasi laga hirgelinayo.

"Madaxweynuhu wuxuu u saxiixi la'yahay in aysan sii fogaan walaalaheen [maamulka] Somaliland iyo in wadahadalka aysan saameyn arrintaasi," ayuu u sheegay Tv-ga Goobjoog, isaga oo raaciyey "Sharcigaasi waa mid uu curiyey Golaha Shacabka, ma jirto wax lug oo ay ku leedahay xukuumada ama madaxweynaha uu wax kala socdo, xitaa saldhiga wax xog ah oo aan ka hayno ma jirto.

Talaabada dalka looga mamnuucay shirkada DP World oo ay kasoo horjeesteen inta badan maamulada ayaa la sheegay in ay gedaal ka riixaysay Qadar oo saameyn ku leh maamulka Farmaajo.

Dooxa oo xiyaarad cirka iyo dhulka ah ay kusoo rogeen wadamada Sacuudiga, Imaaraadka iyo xulafooda markii lagu eedeeyay in ay taageerto kooxaha argagixisada, wallow ay dhinac isaga leexisay.

Xukuumada Farmaajo oo mowqif dhex-dhaxaadnimo ah ka qaadatay Khilaafka Khaliijka ayaa lagu dhaliilay in ay u xag-lisay dhinaca Qadar oo taageero maaliyadeed iyo siyaasadeed siisa Villa Soomaaliya.

Dhowaan ayay ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad uu ka dhawaajiyay in xukuumada Farmaajo aysan marnaba ku biirayn isbaheysi ka dhan ah dowladaha Qadar iyo Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiir Hore oo Mareykan ah: Soomaaliya Waxaa Hortaagan Qabyaalad iyo Khilaaf Siyaasadeed

Digniinta Andre ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya wajahayso marxalad kala guur ah, doorashooyin soo socda iyo xaalad amni oo wali aad u liidata.

  • Soomaliya

    29-05-2025

  • 02:48PM

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM