Xukuumada oo lagu eedeeyay in ay BF u gudbiso sharciyo qabyo ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta fadhiga 14aad ee ka tirsan kal-fadhiga 5aad ku yeeshay Muqdisho.

Kulanka oo ay soo xaadirtay 142 mudane ayaa waxaa gudoomiyey ku xigeenka labaad ee Afhayeenka Aqalka Hoose, Cabdiwali Ibraahim Muudey.

Ajendaha fadhiga ayaa ahaa akhrinta koowaad Xeerka Jaan-goynta iyo Tayadhowrka iyo sidoo kale iyo Ka doodista Xisaab Xirka 2017-kii.

Ugu horeyn, waxaa kulanka lagu dhaariyey Cabdullaahi Cali Xasan, wasiirka cusub ee Ganacsiga, kaasi oo dhowaan magacaaay ra'iisul wasaaraha.

Mudaneyaasha ayaa waxay dood adag ka yeesheen xisaab xirka 2017-ka, taasi oo qaar kamida Xildhibaanada ay sheegeen in mad-madow badan uu ka jiro.

Goobaha ay farta ku fiiqeen waxaa kamida in warbixin xisaab xirka aanan lagu caddeyn Miisaaniyada dowlada iyo qaabka loo qarash-gareeyay.

Dhanka kale, Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi ayaa aad u dhaliilay sharciyada ay xukuumada federaalka horkeento baarlamaanka.

Mr Sakariye ayaa tibaaxay in xeerarka wasaaradaha u soo gudbiyeen xeer-dejinta ay yihiin kuwa kala dhan-taalan oo aanan lahayn fahfaahin badan.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyey in sidoo kale warbixinada ay wasaradaha u soo gudbiyaan baarlamaanka ay yihiin "kuwa ay laba ilig ka maqan tahay oo silac dileysan".

"Baarlamaanka rag aqoonyahano ayaa ku jira, in aan maalin walba na horkeentaa warbixino laba ilig ka maqan yahay, silac dileysan oo kala dhan—taala waxay ka dhigan tahay xurmo daro," ayuu raaciyey.

Hadalka kasoo yeeray Xildhibaanka ayaa kusoo beegmaya xili maamulada dalka ay "latashi la'aan awgeed” u qaadaceen Sharciyada Doorashooyinka iyo Bartoolka oo ay xukuumaddu u gudbisay baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM