Xukuumada oo qarka u saaran inay isticmaasho miisaaniyad KMG ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa aad ugu dhow inay adeegsato saddexda bilood ee ugu horeysa sanadka cusub 2019 miisaaniyad KMG ah oo ka baxsan tan loo qorsheeyay, kadib khilaaf hareeyay guddiga maaliyadda.

Arrintaani ayaa u ogolaanaysa sharciga dalka iyo xeer-hosaadka Baarlamaanka hadii ay Xildhibaanada ansixin waayaan Fadhiga loo balamay ee 30-ka bishaan December, oo ka harsan mudo 3 maalmood ah.

Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed [Jindi] oo kamid ah Guddi hoosaadka Maaliyada Gollaha Shacabka ayaa daboolka ka qaaday in waqtiga ay haystaan iyo culeyska shaqada u taala ay tahay mid aanan isku dhigmin.

"Waxay ila tahay in maalmaha ka harsan sanadka cusub 2019 iyo sida nootaalo marka aan eegno, ma ahan mid isku dhigma. Mana ahan mid suurtagal ah in la meel-mariyo Miiisaaniyada 2019,” ayuu raaciyay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu carabka ku adkeeyay in talaabada kaliya ee xukuumada ufuran ay tahay inay adeegsato saddexda bilood ee sanadka cusub Miisaaniyad KMG ah oo ka baxsan tan rasmiga ah.

"Sida sanadkii hore ayaa dhici karta oo ah inay xukuumada kusii wado howlaha wasaaradaha Miisaaniyad KMG ah oo ay isticmaasho 3-da bilood ee ugu horeysay sanadka cusub, kadibna la meel-mariyo,” ayuu xusay.

Bishii hore ee November, Gollaha Wasiirada oo meel-mariyay Miisaaniyad oo dhan 340 milyan oo Dollar-ka Mareykanka, balse, Aqalka Wakiilada Shacabka ayaa su’aallo ka keenay oo dib ugu celiyay xukuumadda.

Guddiga Maaliyada Gollaha oo haatan isbedal lagu sameeyay, ayaa warbixin bishii lasoo dhaafay uu soo saarey ku sheegay in la musuq-maasuqay $42 milyan oo dollar, taasoo aan ku caddeyn xisaab-xirka dakhliga baxay iyo midka soo galay xukuumada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM