Xukuumada oo shuruud ku xirtay dib-u-dhigista doorashada Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay caddeysay mowqifkeeda ku aadan doorashada guud ee Galmudug.

Sidda uu qabo Dastuurka dowlad goboleedkaasi, doorashada ayaa qabsoomeysa bisha soo aadan ee Julaayo, sanadkaan 2019.

Hasayeeshee, madaxwayne Axmed Ducaale Geelle iyo madaxa xukuumada Galmudug, Sheekh Shaakhir ayaa todobaadkii hore iclaamiyay in ay qabsoomeyso doorashada sanadka 2021-ka.

Balse wasiirka arrimaha gudaha xukuumada federaalka ah ayaa ka hor-yimid talaabadaasi, isaga oo ku tilmaamay "mid aan laga wadahadlin."

"Madaxda Galmudug iyo federaalka waxay isku ogyihiin in doorashada ay dhacdo bisha Julaayo ee sanadkaan, mana jiri doonto dib u dhac," ayuu wasiirka u sheegay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka arrimaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, ayaa shuruud ku xiray in dib loo dhigo coddeyntaasi.

"Waxaa dib loo dhigi karaa doorashada marka ay isku yimaadaan oo ay kawada hadlaan madaxda federaalka iyo Galmudug," ayuu hadalkiisu raaciyay.

Villa Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in ay dooneyso faragelin ay ku sameyso doorashada Galmudug si uu ugu soo baxo musharax ay daba ka riixayso.

Wasiir Sabriye oo la su'aalay in uu balanqaadi karo in ay Galmudug ka dhaceyso doorasho xor iyo xalaal ah ayaa ku guuldareystay in uu si waafi ah uga war-celiyo.

"Waxaan kuu caddeyn karaan mowqifka dowlada oo ah in doorashada dhaceyso bisha Julaayo," ayuu kaga jawaabay su’aashaasi.

Madaxtooyadda ayaa gacma-gacmeyn muuqata ku sameysay doorashadii Koonfur Galbeed, oo uu kusoo baxay Cabdicasiis Lafta Gareen, iyada oo ka reebtay tartanka Mukhtaar Roobow oo ay xabsi guri gelisay.

Balse waxay ku guuldareystay in ay saameyn ku yeelato cod-bixintii Puntland ee 8-dii Janaayo, taasoo lagu doortay Saciid Cabdullaahi Deni oo ahaa musharax madax banaan.

Waxaa si wayn isha loogu hayaa sida ay u wajihi doonto doorashada Galmudug maadaama tan Jubbaland ay heshiis kala gaartay Axmed Madoobe, wallow aanu fahfaahinta loosoo bandhigin saxaafadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM