Xukuumada Soomaaliya oo shaacisay mowqifkeeda buuraleyda Golan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif cad ka qaadatay xiisadda dib u soo cusboonaatay ee ku aadan buuraleyda Golan.

Hadal-heynta buuraleyda Golan ayaa dib u qabsatay warbaahinta markii Madaxwayne Donald Trump uu u sharciiyay Yahuuda.

Dhaleecayn culus ayuu hogaamiyaha Mareykanka ku muteystay arrintaasi, isaga oo lagu eedeeyay in dhiirogelinayo colaad.

Israa'iil ayaa buuraha Golan kaga qabsatay Suuriya dagaalkii Carabta ee dhacay sanadku markuu ahaa 1948-dii.

Tan xilligaasi caalamka ayaa sanad kasta ku tartarsiiya Yahuuda in ay ka baxdo dhulkaasi, ayna dib ugu celiso Suuriya.

Todobaadkaan, gollaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay oo kulan ku yeeshay Geneva ayaa mar kale cambaareeyay Israa'iil.

Hasayeeshee, Soomaaliya ayaa la kulantay dhaleeceyn markii safiirka u fadhiya xarunta Switzerland ka aamustay qaraarkaasi.

Xukuumada Muqdisho ayaa sababtaasi darteeda ugu yeertay danjire Faadumo Cabdullaahi Maxamuud, oo loo qabtay taban casho.

War-saxaafadeed ku taariikheysan 26-ka Maaj, oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada xukuumada federaalka ah, ayaa lagu sheegay buuraha Golan ay yihiin dhul ay Suuriya leedahay oo ay qabsatay Israa’iil.

Ugu dambeyntii, dowlada Soomaaliya ayaa dalbatay in loo hogaansamo qaraarka soo baxay sanada kala ah; 1967 iyo 1981 oo dhigaya in buuraha Golan ay Suuriya leedahay.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM