Xukuumada Soomaaliya oo si KMG ah u fasaxdey duulimaadyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah waxay muddo laba cisho ah dib-u-fasaxday duulimaadyadda caalamiga ah.

Qoraal wasaarada kasoo baxay ayaa lagu sheegay in go'aankaas uu ka dambeeyay markii ay soo gaareen "cabashooyin tirro badan oo ka imaanay muwaadiniin ku xayirmay garoomo".

Mudada ay diyaaradaha caalamiga ah fasaxa u haystaan duulimaadyada ay dalka ku imaan karaan waa laba cisho, sidda ku xusan warqadda oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

Sidda laga soo xigtay bayaanka oo ku taariikheysan 21-ka Maja, 2020, diyaaradaha ayaa ka degi doono garoomo "cayimin" wallow aanan lasoo bandhigin madaaradda iyo halka ay ku kala yaaliin.

19-ka bishii Maaj, 2020 ayay ahayd markii ay si rasmi ah u dhaqan-gashay mamnuucista duulimaadyada caalamiga ah, talaabadaas oo ka dambeysay markii Muqdisho laga helay COVID-19.

Ugu dambeyntii, wasaaradda oo ku boorisay dhinacyada ay quseyso warqada fulinta amarkaas ayaa shaacisay in dalka aan lasoo gelin karin xamuul aan ahayn dawo ama raashiin.

Dhanka kale, kadib go'aanka wasaarada diyaarada Ethiopian Airlines ayaa la sheegay in ay duulimaad ka dejisay caasimada Somaliland ee Hargeysa, halkaasoo maalintii Khamiistii ay ka baaqatay.

QORAALKA WASAARADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM