Xukuumada Soomaaliya oo si KMG ah u fasaxdey duulimaadyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah waxay muddo laba cisho ah dib-u-fasaxday duulimaadyadda caalamiga ah.

Qoraal wasaarada kasoo baxay ayaa lagu sheegay in go'aankaas uu ka dambeeyay markii ay soo gaareen "cabashooyin tirro badan oo ka imaanay muwaadiniin ku xayirmay garoomo".

Mudada ay diyaaradaha caalamiga ah fasaxa u haystaan duulimaadyada ay dalka ku imaan karaan waa laba cisho, sidda ku xusan warqadda oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

Sidda laga soo xigtay bayaanka oo ku taariikheysan 21-ka Maja, 2020, diyaaradaha ayaa ka degi doono garoomo "cayimin" wallow aanan lasoo bandhigin madaaradda iyo halka ay ku kala yaaliin.

19-ka bishii Maaj, 2020 ayay ahayd markii ay si rasmi ah u dhaqan-gashay mamnuucista duulimaadyada caalamiga ah, talaabadaas oo ka dambeysay markii Muqdisho laga helay COVID-19.

Ugu dambeyntii, wasaaradda oo ku boorisay dhinacyada ay quseyso warqada fulinta amarkaas ayaa shaacisay in dalka aan lasoo gelin karin xamuul aan ahayn dawo ama raashiin.

Dhanka kale, kadib go'aanka wasaarada diyaarada Ethiopian Airlines ayaa la sheegay in ay duulimaad ka dejisay caasimada Somaliland ee Hargeysa, halkaasoo maalintii Khamiistii ay ka baaqatay.

QORAALKA WASAARADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM