Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo magacowday mas'uuliyiin cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah magacaabay Agaasimaha Hay'adda Tirokoobka Qaranka iyo ku xigeenkiisa. Hay'addan waxaa dhowaan lagu aas-aasay xeer madaxweyne.

Sharma'ake Faarax ayaa waxaa loo xushay agaasimaha guud ee Hay'adda, halka C/raxmaan Cumar Daahir laga dhigay ku xigeenkiisa.

Agaasimaha cusub ayaa ahaa lataliyaha arrimaha dhaqaalaha ee ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre, sidda lagu sheegay qoraal lagu faafiyey luuqadda English-ka oo kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumada.

Sidoo kale, wuxuu ahaa isuduwaha barnaamijka Qorsheynta Dhaqaalaha Qaranka. Kahor, wuxuu door khabiirnimo dhanka farsamada uu kula oo shaqeeyay UN, World Bank, DfID, USAID, iyo hay'addo kale oo maxali ah.

Intaas waxaa wehlisa wuxuu muddo todoba sano lasoo shaqeeyay Hay'adda UNICEF xafiisyadeeda Soomaaliya, New York, iyo Kuuriyada Waqooyi.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, waajibaadka hay'adda cusub oo yeelan doonto guddi fulin waa dejinta shuruucda iyo baaritaanka tirokoobka dalka.

Magacaabidaan ayaa kusoo aadeysa xilli muddo xileedka dowladda haatan talada haysa uu gabaabsi yahay isla markaana aan wali lagu heshiin nooca iyo qaabka loo marayo doorashooyinka soo aadan ee sanadka 2020-21.

Siyaasiyiinta oo ka digay muddo kororsi ay sameysato xukuumadda ayaa rumeysan in wadanka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, iyagoo cuskanaya "amni darro baahsan diyaar-garow la'aan dowladda dhinaceeda ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM