Xukuumada oo u hanjabtay isbitaal ay taageeraan hay'addo Turki ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa Isbitaalka Yardimeli ee Muqdisho ku eedeysay in uu "ku tuntay" sharciga iyo qawaaniinta dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa shaaca looga qaadey in aysan jirin ruqsad ay isbitaalkaas siiyeen.

"Wasaaraddu waxay xaqiijinaysaa in hay’adaas shaqada ay ka wado Isbitaalka Yardimeli iyo howlaha caafimaad ee kale ay yihiin howlo baal marsan sharciga iyo qawaaniinta dalka u dagan".

Sidda ku xusan bayaanka, "talaabo adag ayaa laga qaadi doonaa dadka u bareeray jebinta shuruucda iyo qawaaniinta u degan waddanka".

Yardimeli Hospital oo lagu daaweeyo Hooyada iyo Dhalaanka waxaa taageera hay'addo Turki ah, balse waxaa si gaar ah u leh shaqsi Soomaali ah.

Dhulka uu degan yahay Isbitaalka waxaa la sheegay in ay bixisay Dowladdii uu hogaaminayey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Bayaanka wuxuu imaanayaa iyaddoo maalmihii dambe ay jireen warar sheegayay in uu khilaaf soo kala dhex-galay Wasaaradda iyo maamulka ugu sareeya ee Isbitaalkaas.

Xurgufta ayaa la fahansan yahay in ay salka ku hayso qaabka loo maamulayo deeqda uu isbitaalka ka helo hay'addaha Turkiga.

Mas'uuliyiinta wasaaradda ayaa xusay in kaalmadaas loogu talagalay in shacabka si bilaash ah loogu daaweeyo, hase ahaatee, maamulka Yardimeli Hospital "uu ka macaasho".

Turkiga oo gacanta ku haya xarumo caafimaad oo ku yaala magaala madaxda waddanka ayaa kamid ah dalalka saaxiibka dhow la ah dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM