Xukuumadda oo shaacisay doorka xisbiyadda ee shirka Dhuusamareeb 3

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xisbiyadda siyaasadda ee hadda ka jira waddanka ayaa ka qeybgeli doona wejiga saddexaad ee Shirka Dhuusamareeb, sidda ay ku dhawaaqdey xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Shirkaas oo loo muddeeyay in uu qabsoomo 15-ka bisha soo aadan ee August ayaa ahmiyadda ugu weyn ee loo qabanayo waxay tahay in heshiis laga gaaro nooca ay noqoneyso doorashada nagu soo fool leh.

Guddi isku-dhaf ah oo dowladda federaalka iyo maamuladda magacaabeen ayaa kasoo talobixinaya nooca doorashadda, kaasoo oo fekrado kasoo uruurin doona dhinacyadda ay khuseyso oo xisbiyaddu kamid yihiin.

Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye], wasiirka warfaafinta oo u waramay Tv-ga qaranka, ayaa ayiday kaalinta xisbiyadda siyaasadda.

"Annaga iyo maamul goboleedyadda – dowladda federaalka ayaan wadanahay, hal dhinac baanu nahay. [Sidda saxda ah], nimanka ay ahayd in ay doorashada nagala murnaan waxay ahayd xisbiyadda," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Xaq bey u leeyihiin in ay ka qeybgalaan [wejiga saddexad ee shirka Dhuusamareeb], qorshahana waa ugu jirtaa dowladda".

Maareeye oo intii wareysiga laga qaadayey si weyn u difaacay dooda xukuumadda hadda jirta oo ah qabashadda doorasho qof iyo cod ah ayaa meesha ka saarey in ay madaxda talada hayso dooneyso muddo kororsi.

Hase ahaatee, Senator Xuseen Maxamuud oo rumeysan in dowladda hada jirta aysan ku qaban karin doorasho dadweyne mudada u hartay ayaa doodeeda ku sifeeyay mid siyaasadeysan oo shacabka lagu kicinayo.

"Xitaa hadii la siiyo lixda bilood ee guddiga doorashooyinka qabsaday, cidda ugu horeysa ee dhihi doonto ma qaban karno waa iyaga," ayuu raaciyey, isagoo cuskaday amni daro, adkeeyayna baahida loo qabo heshiis.

Ka hadalka arrimaha doorashadda Soomaaliya ayaa aalaaba la karaar-siiyaa dhamaadka muddo xileedka dowladda, taas oo dhalisay in dowladihii u dambeeyay ay fulin-waayaan waajibaadkii looga fadhiyey oo ah qof iyo cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM