Xukuumadda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna oo heshiis cusub gaarey

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in heshiis laga gaarey khilaafkii kala dhaxeeyay hogaanka Ahlu Sunna ee ku saabsanaa doorashada Galmudug.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shaacisay in laysku raacay in Ahlu Sunna 20-xubnood ay ku yeelato baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Tiradda guud ee Golaha Wakiiladda maamul goboleedkaas ayaa ah 89-mudaneyaal. Qoondada Ahlu Sunna ee baarlamaanka cusub waxay xudun u ahayd khilaafka.

Sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah, dowladda ayaa uga mahadcelineysa hogaanka Ahlu Sunna "tanaasulka" uu muujiyey.

"Sidoo kale, waxaan u mahad-celineynaa Beesha Caalamka oo gacan ka geysatay in wada-hadaladu mira dhal kusoo dhamaadaan," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka oo uu arkay Garowe Online.

Doorashooyinka madaxtooyadda iyo baarlamaanka Galmudug ayaa lagu wadday in ay bishaan December ku qabsoomaan Dhuusamareeb, balse waxaa dib loogu dhigay wada-xaajoodyadda soo idlaadey.

Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa la filayaa in ay soo saaraan jadwal cusub oo xeerinaya habraaca, diiwaangelinta murashaxiinta, waqtiga hadal-jeedinta iyo xiligga doorashooyinka dhacayaan.

Dhinaca kale, war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan ayaa lagu xaqiijiyey heshiiska, wuxuuna sheegay in ay u tanaasuleen "danta shacabka".

HESHIISKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM