Xukuumadda oo Somaliland uga mahad-naqday talaabo ay qaadey

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay odayaasha dhaqanka ee dhawaan Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo hoggaaminayay odayaashii dhaqanka ee Madaxweynaha Somaliland kala soo wareegay 19-ka Maxbuus ee cafiska uu u fidyay ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga war bixiyay sidii Soomaalinimada, xushmadda iyo qadarinta laheyd ee loo soo dhaweeyay.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa madaweynaha Somaliland ku ammaanay soo dhaweynta Soomaalinimada leh ee uu ku qaabilay odayaasha gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sidoo kale odyaasha dhaqanka uga mahad celiyay gacanta ay ka geysteen in mawaadiniinta Soomaaliyeed ay xorriyaddooda dib u helaan, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii wadaan dowrka ballaaran ee dhaqanku ku leeyahay bulshada dhexdeeda.

Intii kulanku uu socday ayaa odayaahu waxa ay codsadeen in la soo daayo oo iyana cafis loo fidiyo mawaadiniin kale oo dhallinyaradan ay isku xukun ahaayeen oo ku xiran Puntland iyo xabsiga dhexe ee dalka.

Xafiiska Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM