Xukuumadda Soomaaliya oo ciidamo horleh u daabushay Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa askar horleh waxay Isniinta maanta ah ka dejisay Dhuusamareeb, magaala madaxda dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidamada oo lagu sheegay booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa diyaarad looga qaadey Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, waxaana tirada cusub lagu tilmaamay 50-askari.

Mas'uuliyiinta dowladda ayaa sababta ciidankan cusub loo geeyay xarunta gobolka Galgaduud ku macneeyay si sarre loogu qaado amniga magaaladda "oo muddooyinkii dambe habacsanaa".

Ururka Ahlu Sunna oo qayb ka maamula magaaladda illaa iyo haatan wax war ah kama soo saarin daabulitaanka. Codsiyo loo diray oo ku aadan in ay ka falceliyaan kama jawaabin.

Sidda ay wararku sheegayaan, ciidanka cusub ayaa horudhac u ah socdaal uu ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ku tagayo Dhuusamareeb, kaasoo dib uga dhacay safar la qorsheeyay isbuucii hore.

Haramcad waa guuto cusub oo kamid ah bileyska waddanka dhaca Geeska Afrika, kuwaas oo uu tababar gaar ah oo la xiriira la dagaalanka argagixisada uu siiyey Turkiga.

Khilaaf siyaasadeed

Talaabada xukuumadda ayaa kusoo aadeysa xili aan wali xal laga gaarin khilaaf siyaasi ah oo u dhaxeeya Ahlu Sunna iyo Dowladda oo salka ku haya arrimo muhiim u ah doorashooyinka.

Sidda laga soo xigtay dad xog ogaal ah, muranka ayaa daaran soo xulista Xildhibaanadda cusub iyo Magacaabida Guddiga Doorashooyinka. Laba Guddi oo is-diidan ayaa haatan jira.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, madaxda xukuumadda Galmudug, iyo wasaaaradda arrimaha gudaha federaalka, ayaa kala magacaabay Guddiyadda oo shaqadooda si caadi ah u wata.

Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka arrimaha gudaha federaalka, ayaa qiray in uu ku fashilmay in uu qaddiyadan kala heshiiyo Shaakir, oo dhankiisa caddeeyay in uu diyaar u yahay wada xaajood horleh.

Shaakir ayaa daboolka ka qaadey in maamulkiisa uusan diyaar u ahayn dagaal ay la galaan dowladda oo u muuqata "mid ku gacan-sareysa haatan dhaqdhaqaaqa ciidan ee degaanada Galmudug".

Todobaadkan, ciidamo uu horkacayo, wasiir Sabriye, ayaa cagta mariyey dagaalamayaasha Ahlu Sunna kalana wareegay magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan, oo dowladdu maamusho haatan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM