Xukuumadda Soomaaliya oo dhul u iibineysa safaaradaha saddex dal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay dhismeyaal u iibiso safaaraddaha saddex dal, sidda ay Garowe Online u sheegeen illo aad loogu kalsoon yahay.

Safaaraddaha dhulalka loo beecinayo ayaa waxay kala yihiin; Mareykanka, Koonfur Afrika iyo waddanka deriska ah ee Kenya.

Xafiiska wasiirka maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo xaqiijiyey jiritaanka xogtan ayaa ka gaabsaday in uu tafaasiil dheeri ah bixiyo.

Waxyaabaha uu GO doonayey in uu wax ka waydiiyo ayaa ah; goorta ka bilaabayo, qarashka loo qoon-deeyay mid walba iyo hadii ay yihiin dhismeyaal dhisan ama dhul kaliya.

Qorshahan oo Khamiistii, 19-ka September 2019, ay ka doodeen Golaha Wasiiradda ayaa waxaa lagu daray Miisaaniyada guud ee dalka sanadkan.

Ku tala galka miisaaniyadda oo ah 390.1 milyan oo Doollar [Shilin Soomaali ahaana u dhiganta 226,258,000,000] ayaa waxaa meel-mariyey wasiiradda. Golaha Shacabka ayaase ansixinta ugu dambeysa leh.

Ku tala galka miisaaniyadda oo ah 390.1 milyan oo Doollar [Shilin Soomaali ahaana u dhiganta 226,258,000,000] ayaa waxaa meel-mariyey wasiiradda. Golaha Shacabka ayaase ansixinta ugu dambeysa leh.

Miisaaniyadda oo markii hore ahayd 344.2 Milyan ayaa waxaa ku korortay 45.9 Milyan oo doollar, taasi oo ka timid dakhliga gudaha.

"Ku tala galkii hore ee dakhliga guduhu ayaa ahaa 189.9 Milyan, halka haddana la rejeynayo inuu gaaro 221.3 Milyan oo doollar, waxaana farqiga u dhexeeya uu 31.5 milyan oo doollar," ayuu yiri xubin ka tirsan Laanta Fulinta.

Mashruuca dhismeyaasha loogu iibinayo safaaradahaas ayaa wuxuu qeyb ka yahay 8 milyan oo Doollar [4,640,000,000 Shilin Soomaali] oo loo jiheyn doono dayactir iyo dhisme iibinta safaaradaha dibadda qaar.

Safaaradda Koonfur Afrika waa madax ka ah Jamal Maxamed Barow; halka tan Kenya uu hogaamiyo Maxamuud Axmed Nuur Tarsan; Cali Shariif Axmed uu yahay diblumaasiga ugu sareeya howlgalka Washington.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM