DF Soomaaliya oo go'aan kasoo saartay Imtixaanka dugsiyada sare

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqdey in hakad la geliyay qaadashada casharada sanad-dugsiyeedka 2019-2020-ka.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa lagu xaqiijiyey in go'aankaas uu la xiriiro ka hortaga faafitaanka xanuunka Covid-19.

Ardayda sannad dugsiyeedka dhamaaday ayaa "lagu qiimeyn doonaa heerkii ay daruusta ka marayeen xilligii lagu dhawaaqay xeritaanka dugsiyada oo ku beegneyd 19ka bisha Maarso, 2020".

Hoos ka bogo bayaanka oo idil


Ayadoo la tixgelinayo xaaladda caafimaad ee dalka iyo dunidaba ka taagan ee la xiriira cudur saf-marka ah ee Covid_19, lana qiimeynaayo xaaladda waxbarasho ee dalka iyo daruufaha ardayda kala duwan ay ku helaan adeegyada waxbarasho, isla markaana lala tashanaayo bahda waxbarashada oo ay ku jiraan Dalladaha, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulayaasha dugsiyada ayaa;

1) Wasaaraddu waxay si rasmi ah ugu dhawaaqeysaa in la joojiyay qaadashada casharadii waxbarashada dugsiyada ee sannad dugsiyeedka 2019/2020 oo ay hadda ka harsan tahay muddo ka yar afar isbuuc;

2) Ardayda sannad dugsiyeedka dhamaaday waxaa lagu qiimeyn doonaa heerkii ay daruusta ka marayeen xilligii lagu dhawaaqay xeritaanka dugsiyada oo ku beegneyd 19ka bisha Maarso, 2020;

3) Wasaaradda waxay la socod siineysaa ardayda, waalidiinta iyo macallimiinta Soomaaliyeed in la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga Sare ee sannad dugsiyeedka 2019/2020. Waqtiga la qaadi doono, sida loo qaadayo iyo xogta la xiriirta diyaar garowga imtixaankaba dib ayaan ula soo wadaagi doonnaa bulshada.


Xukuumada Federaalka ayaa mar sii horeysay joojisay xaadiritaanka goobaha waxbarashadda xili kiisaska Coronavirus ee dalka laga helay ay sii marayaan sideed, oo saddex kamid ah ay ajnabi yihiin.

MUUQAALKA GOODAX

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM