Xukuumadda oo iclaamisay in dalka "u dhaqaaqayo" doorasho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku dhawaaqay in dalka u dareerayo doorasho xilli uusan wali soo magacaabin gole wasiiro oo xukuumadii lumisay kalsoonida xeer-dejinta.

Isagoo kasoo muuqdey muuqaal soconaya ku dhowaad shan daqiiqo oo bartiisa gaarka ah ee Facebook lagu faafiyey, Rooble ayaa shacabka iyo Beesha Caalamka waydiistay in ay ka taageeraan xukuumadiisa ku guuleysiga waajibaadka.

"Aniga iyo xukuumaddeydu waxaan hoggaamin-doonaa geeddi-socod doorasho oo xor iyo xalaal ah, daahfuran, kuna dhacda si nabad ah. Doorasho2020/21. Hal ku dhiga xukuumadeydu waa doorasho ayaa loo dhaqaaqay," ayuu yiri.

Wasiirka koowad ee xukuumadda dhexe ayaa bogaadiyey heshiiska doorashooyinka ee Muqdisho ay ku gaareen dowladda iyo maamuladda.

Hay'addaha kala duwan ee dowladda ayuu ka dhawaajiyey in loo qeybiyey faafinta rasmiga ah iyo habraaca dhaqan-gelinta, isagoo faray in ay fuliyaan.

Heshiiskaas ayaa xeerinaya in doorashadda baarlamaanka dhacdo 15 October illaa 15 November, halka tan gudoonka labada aqal iyo madaxweynaha xiga loo muddeeyay in ay dhacaan inta u dhaxeysa 8 Janaayo illaa 8 Febraayo.

Dhaqan-gelinta heshiiskaan waa waajibaadka ugu culus ee horyaala Rooble oo 17-kii September saacado kadib markii la saxiixay uu magacaabay Farmaajo.

Shaacintiisa in waddanka u jiheystay doorasho waxay imaaneysaa maalin kadib markii lagu waramay in uu shir albaabada u xiran isugu yeeray wasiirada sii-haayeyaasha ah, wallow aanan wali la ogeyn fahfaahinta iyo ajendahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM