Xukuumadda Soomaaliya oo weerar afka ah ku qaadey ururada saxaafada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaatay eedeymaha caburinta iyo xog-udiida wariyeyaasha ee kaga timid qaar kamid ah ururada saxaafadda.

War-saxaafadeed Isniinta maanta ah kasoo baxay wasaaradda kaasoo luuqad adag lagu soo qoray isla markaana uu arkay Garowe Online ayaa eedahaas ku tilmaamay "kuwa aan ku saleysnayn xaqiiqada".

Ururada saxaafadda ayay sheegtay "in aysan awood u lahayn" in ay farta ku fiiqaan cidda dileysa ama caburineysa oo ah ah argagixisadda Al-Shabaab, oo sidoo kale dhibaato intaas lamida ku haysa shacabka.

Xilli ay xustay in ay ka xun-tahay dhibaatooyinka ay war-fidiyeenka kala kulmeyso kooxda argagixisadda ah, wasaaradda ayaa ku dhaliishay saxaafada in aysan soo bandhigin abaalka ay u gasho dowladda.

Sidda ku xusan warka qoraalka ah, ururadda saxaafadda ayaa waxaa looga baahan yahay in aysan ku milmilan ama loo adeegsaday ujeedooyinka siyaasadeed oo ka baxsan xirfadoooda dhabta ah.

Bayaanka oo lagu adkeeyay in dowladdu ka go'an tahay in ay ilaaliso sharciga iyo xorriyadda hadalka si lamid ah tan warbaahinta ayaa lagu beeniyey in dowladdu ku lug-leedahay dilalka saxafiyiinta madaxa-banaan.

Hay'addaha u dooda xuquuqda bini'aadanimada iyo tan hadalka ayaa waxay ku tilmaameen dowladda madaxweyne Farmaajo "xukuumadii ugu xumeyd ee soo martay warbaahinta madaxa-banaan ee gudaha Soomaaliya"

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM