Xukuumadda Soomaaliya oo weerar afka ah ku qaadey ururada saxaafada

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaatay eedeymaha caburinta iyo xog-udiida wariyeyaasha ee kaga timid qaar kamid ah ururada saxaafadda.

War-saxaafadeed Isniinta maanta ah kasoo baxay wasaaradda kaasoo luuqad adag lagu soo qoray isla markaana uu arkay Garowe Online ayaa eedahaas ku tilmaamay "kuwa aan ku saleysnayn xaqiiqada".

Ururada saxaafadda ayay sheegtay "in aysan awood u lahayn" in ay farta ku fiiqaan cidda dileysa ama caburineysa oo ah ah argagixisadda Al-Shabaab, oo sidoo kale dhibaato intaas lamida ku haysa shacabka.

Xilli ay xustay in ay ka xun-tahay dhibaatooyinka ay war-fidiyeenka kala kulmeyso kooxda argagixisadda ah, wasaaradda ayaa ku dhaliishay saxaafada in aysan soo bandhigin abaalka ay u gasho dowladda.

Sidda ku xusan warka qoraalka ah, ururadda saxaafadda ayaa waxaa looga baahan yahay in aysan ku milmilan ama loo adeegsaday ujeedooyinka siyaasadeed oo ka baxsan xirfadoooda dhabta ah.

Bayaanka oo lagu adkeeyay in dowladdu ka go'an tahay in ay ilaaliso sharciga iyo xorriyadda hadalka si lamid ah tan warbaahinta ayaa lagu beeniyey in dowladdu ku lug-leedahay dilalka saxafiyiinta madaxa-banaan.

Hay'addaha u dooda xuquuqda bini'aadanimada iyo tan hadalka ayaa waxay ku tilmaameen dowladda madaxweyne Farmaajo "xukuumadii ugu xumeyd ee soo martay warbaahinta madaxa-banaan ee gudaha Soomaaliya"

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM

Uganda oo xaqiijisay geerida toddobo askari oo lagu dilay dagaal ka dhacay Soomaaliya

Taliyaha Qeybta Koowaad, Brig. Gen. Joseph Musoke Ssemwanga, ayaa sheegay in tuulada Sabiid-Anole ay ahayd xarun istiraatiiji ah.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 11:01AM