Xukuumadii R.W. Cabdiweli Sheekh oo kalsoonida lagala laabtey

Image

December 6, 2014 (GO)- Aqlabiyadda xildhibaannada Baarlamaanka Dolwadda Federaalka ayaa kalsoonida kala laabtey xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo iyadu soo shaqeynaysey tobankii bilood ee ugu dambeeyey.

Fadhiga baarlamaanka ee maanta waxaa soo xaadiray 235 mudane, waxaana u codeeyey in xukuumadda kalsoonida lagla laabto 153  halka 80 xildhibaan u codeeyeen in xukuumaddu sii shaqeyso labo kalena ka aamuseen.

Sida uu dastuurku dhigayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga fadhiyaa in muddo bil gudaheed ah uu kusoo magacaabo Ra'iisul Wasaare cusub kaasoo isna bil gudaheed kusoo dhisi doona xukuumadda bedeli doonta tan maanta baarlamaanku kalsoonida kala laabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM