Xukuumadii R.W. Cabdiweli Sheekh oo kalsoonida lagala laabtey

Image

December 6, 2014 (GO)- Aqlabiyadda xildhibaannada Baarlamaanka Dolwadda Federaalka ayaa kalsoonida kala laabtey xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo iyadu soo shaqeynaysey tobankii bilood ee ugu dambeeyey.

Fadhiga baarlamaanka ee maanta waxaa soo xaadiray 235 mudane, waxaana u codeeyey in xukuumadda kalsoonida lagla laabto 153  halka 80 xildhibaan u codeeyeen in xukuumaddu sii shaqeyso labo kalena ka aamuseen.

Sida uu dastuurku dhigayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga fadhiyaa in muddo bil gudaheed ah uu kusoo magacaabo Ra'iisul Wasaare cusub kaasoo isna bil gudaheed kusoo dhisi doona xukuumadda bedeli doonta tan maanta baarlamaanku kalsoonida kala laabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM