Xundubey: Dowlada waa ku filan tahay qabashada Muqdisho

Image

MUQDISHO , Soomaaliya - Wasiirka amniga xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale ayaa maanta sheegay in ay caasimada Muqdisho kusoo kordheen "dad leh dhaqan mooryaanimo".

Dowladda federaalka ah ee waqtiga ak dhacay ayuu xusay in ay "awood u leedahay in ay gacan bir ah ku qabato magaalada "balse ay u tureyso in aan shacabka lagu dhex-dagaalamin".

Abaabulka ciidan ee mucaaradka waddo kana dhanka ah taliska Farmaajo ayuu ka digay "in gabaad u noqdaan kooxaha argagixisada iyo mooryaan aysan hadhow maamuli karin".

Dadweynaha oo barakac xoogan ka wada qeybaha kamid ah caasimada sababo ku aadan cabsida dagaalka ayuu ku tartarsiiyey "in ay ilaashadaan nabada ay dhibta u soo mareen in ay helaan".

Dhawaqa wasiirka ayaa u muuqda mid jawaab u ah dhaqdhaqaaqa ciidan ee mucaaradka oo ku xoogeystay magaala madaxda Soomaaliya isla markaana ku qabsadeen aagag ballaaran.

Aagaga ay la wareegeen ciidamadda oo ku teedsan degmooyinka Hodan, Holwadaag iyo qaybo kamid ah Waaberi ayaa kaabiga ku haya Madaxtooyadda Soomaaliya oo ku dhow go'doomin.

Wakiilada Beesha Caalamka oo ka digay qalalaasaha hubeysan ayaa ku baaqay is-xakameyn iyo in dib loogu laabto wadaxaajoodyadda "oo ah qaabka kaliya ee lagu helo hab heshiis lagu yahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi oo sheegay in Soomaaliya ay ku jirto “socdaal isbeddel”

Kulan uu la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya ayuu ka sheegay hadalkan.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 05:45PM

Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga oo bilaabatay

Kulanka oo hal maalin ah ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga (SNID).

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 08:35AM