Xuseen: Sababta liiska la iiga reebay waa fikirkayga xorta ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Senator Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ka falceliyey go'aanka madaxweynaha Koonfur Galbeed uga saarey liiska musharaxiinta u tartameysa xubinimada Senate-ka baarlamaanka 11aad.

Maxamuud oo ka tirsan xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ee Midowga Nabada iyo Horumarka ayaa caddeeyay in uusan ka mudaaharaadi doono go'aankaas lama filaamka ahaa.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee mareegga Facebook ayuu cod dheer ku tibaaxay in uu eersaday "fekerkiisa madax-banaan ee muddo xileedkiisa lasoo dhaafay uu soo bandhigay".

"Marka Koowaad mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatey, marka xigtana waxaan u mahadcelinayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan taageerada iyo dhiirigelinta ay ila garab istaagnaayeen.Si gaar ah waxaan ugu mahadcelinaa shacabka Koonfur Galbeed oo aan ku matalayay Aqalka sare muddo xileedkii la soo dhaafay. Insha Allah waxaa la gaari doonaa waqti rabitaankiinu shaqeeyo kuna doorataan matalayaashiina siyaasadda," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Muddadii aan u soo adeegayay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed waxaan ku dadaaley wixii karaankeyga ah inaan si daacadnimo ku jirto ugu adeego, una doodo xuquuqaha siyaasadeed iyo kuwo bulsho, anigoo ka tirsanaa Guddiga la socodka iyo hirgelinta dastuurka ee labada Aqal. Dadaal weyna aan ka gaystay howshaas wali qabyada ah".

"Intaas ka dib, waxaan aaminsanahay Qadarta Rabbi iyo in Alle SWT uu bixiyo Mulkiga doonistiisana wax lagu helo waxna lagu waayo, haddii ay insaanka oo dhan wax kula doonaana ay ku xiran tahay un doonista Alle," ayuu xusay.

Mudanaha ayaa raaciyey: "Qalinka waxaa haysta mas’uul siyaasi ah oo heshiis siyaasadeed fursad loogu siiyey inuu kala doorto gaar ahaan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad. Cabbirka fikirka madaxbannaan ee dhaqanka ii ahaa muddo xileedkii la soo dhaafay, ayaan aaminsanahay inay sabab u ahayd in la iga reebo tartanka Aqalka Sare ee xilligan".

"Insha Allah waxaan balanqaadayaa in waayidda xilkii xildhibaanimo ee BFS aaney saameyn ku yeelan doonin mabaadii’deyda ku dhisan in daacad loogu adeego shacabka Soomaaliyeed anoo xil haaya iyo anigoon hayninba. Waxaan uga mahad celinayaa shacabkii iyo masuuliyiintii aad u jeclaa inaan mar kale tartamo, waxaanna ugu baaqayaa inay is dejiyaan," ayuu kusoo xiray.

Isniinta todobaadkan ayaa lagu waddaa in magaalada caasimada ku meelgaarka ah ee Baydhabo lagu doorto sharci-dejiyeyaasha oo tiradoodu tahay 10 - afar dumar tahay - balse kuraasta ay ku baratamayaan ay tahay shan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyay raashiinka uu siin jiray ciidamada Danab

Go'aankan ayaa waxa uu ka dhashay markii madax sarre ay leexsadeen garaamkii loogu talagalay kumaandooska.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:26AM

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM