Xuutiyiinta oo "askareynaya" qaxooti ay ku jiraan Soomaali

Image

SANCA, Yemen - Dowladda Yemen ee caalamka aqoonsan yahay ayaa waxay ku dhaleeceysay maleeshiyada ay dowlada Iran barataarto ee Xuutiyiinta inay askareynayaan muhaajiriinta Afrikaanka ah ee dan yarta ah si ay ugu wehliyaan dagaallada ka dhanka ah ciidanka qaranka ee waddanka dagaalku aafeeyey.

Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Abdrabbuh Mansur Hadi oo fadhigeedu yahay caasimada kumeelgaarka ah ee Cadan, waxay sidoo kale ku cadaadisay bulshada caalamka inay ka hortagaan "dhiig-miirashada" iyo "dambiyada" argagaxa leh ee ka dhanka ah qaxootiga.

Xuutiyiinta, sida laga soo xigtay saraakiisha dowladda, waxay adeegsanayaan muhaajiriinta Afrikaanka ah in ay isaga horumaryaan jiidaha hore ee dagaalka sanadaha badan soconaya.

Wasiirka Warfaafinta Yemen, Muammar Al-Eryani, ayaa ku booriyay ka hortaga xadgudubka Xuutiyiinta ee muhaajiriinta Afrikaanka ah wuxuuna ka digay "inay sii kordhaan weerarada argagixiso ee Xuutiyiinta ka geystaan ​​gobolka Badda Cas".

"Xuuthiyiintu waxay qoranayaan qaxootiga iyo muhaajiriinta Afrikaanka ah, iyaga oo u adeegsanaya sida calafka xoolaha ee weerarada ismiidaaminta ah, ugana faa’iideysanayaan dagaalka waxay ka dhigan tahay beegsiga amniga iyo xasilloonida Yemen iyo dalalka deriska ah," ayuu yiri wasiirka.

Eryani oo falalka Xuutiyiinta ku sifeeyay qatar cad oo danaha caalamiga ah ayaa cadeeyay "in kooxda Iran taageerto ay ku lug leedahay dambiyo ka dhan ah aadanaha oo si cad ugu xadgudbaya shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah".

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu ku dhiiri galiyay kooxaha xuquuqda aadanaha iyo ururada caalamiga "inay cambaareeyaan askareynta Xuutiyiinta ee muhaajiriinta iyo qaxootiga Afrikaanka ah".

Si la mid ah Eryani, dhowr hay'adood oo maxalli ah iyo kuwa caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ayaa ka hadlaya diidmada kooxda Iiraan taageerto ee xarigga iyo qoritaanka muhaajiriinta iyo qaxootiga Afrikaanka ah.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in Xuuthiyiinta ay kal hore diiwaan-geliyeen aynahowl geliyeen boqolaal Afrikaan ah oo ka kala yimid dalal kala duwan sida Itoobiya iyo Soomaaliya.

Labadii sano ee la soo dhaafay, maleeshiyada ayaa si hagar la’aan ah u bililiqeystay gargaarkii caalamiga ahaa ee loogu talagalay isla muhaajiriinta ay u dirayaan jiidaha hore.

Sida uu wariyey wargeyska Asharq Al-Awsat, xuuthiyiinta waxay siinayaan ardayda Afrikaanka ah inta udhaxeysa $ 80- $ 100 si ay ugu biiraan safkooda. Marka loo eego qiyaasta Qaramada Midoobay, ku dhowaad 171,000 oo muhaajiriin Afrikaan ah, oo u badan Soomaali iyo Itoobiyaan, ayaa hadda ku sugan waddanka Yemen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM